Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Maanta oo ah Khamiis 10-08-2023 ku eeg muddadii loo qabtay inay maxkamadda gobolka Banaadir ku hor yimaadaan 9 ma’suul oo baxsad ah oo loo haysto musuq-maasuq, kuwaas oo ay kamid yihiin agaasimihii hore ee waaxda canshuuraha bariga ee wasaaradda Maaliyadda Muxiyadiin Saabey iyo agaasimayaahii hore ee hay’adda Socdaalka Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) iyo Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).
Maxkamadda gobolka oo horay baafin usoo saartay ayaa ka dalbatay mas’uuliyiintan inay maxkamadda ku horyimaadaan muddo ku siman 30 cisho ah oo maanta ku beegan.
“Waxay fareysaa maxkamadda masuuliyiintaan inay dhowraan wakhtiga ay u qabatay, haddii ay maxkmadda ku hor imaan waayaan muddadaas ay maxkmadda qaadi doonto habraaca ku xusan Qod. 128/E Xeer lambar.84 oo ah in ay qaadi doonto dacwadooda iyaga oo maqane ah” ayaa lagu yiri baafinta hore ee ay soo soo saartay maxkamadda gobolka.
Eedeysanayaasha oo markii hore ka cararay dalka ayaan weli soo noqon, ayada oo dacwad culus ay ka taallo maxkamadda gobolka Banaadir oo maalmahan wadday dhageysiga kiisas la xiriira musuq-maasuq oo loo haysto rag ka tirsan hay’adaha kala duwan ee dowladda.
Sidoo kale waxaa lagu wadaa in raggan dacwadooda la dhageysto iyaga oo maqanayaal ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.
Masuuliyiintan ayaa waxay dacwad ciqaab ah oo ay dhinac ka yihiin uga furan tahay maxkamadda gobolka Banaadir, ayada oo xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu kusoo eedeeyay inay galeen musuq-maasuq iyo dayacaad masuuliyadeed, been abuur dukuminti iyo ku takrifal hanti dadweyne.
Xeer ilaalinta ayaa la filayaa in sii waddo dacwaddeeda, isla-markaana ay furto kiiska loo heysto Saabey, Cabdul, Koofi iyo ragga kale ee ka baxsaday dalka, si loo galo kiiskooda.
Si kastaba, Dowladda federaalka ayaa haatan wadda dagaal ka dhan ah musuqa, kaas oo loo soo qabtay mas’uuliyiintii ugu badneyd oo wajahaya xabsi iyo maxkamadeyn intaba.