26.3 C
Mogadishu
Tuesday, June 10, 2025

Musharax Cabdulqaadir Cosoble oo beeniyay inuu is-casilaayo

Bookmark
Bookmarked

Share

Abuukar Axmed Cali oo dhinaca saxaafadda u qaabilsan ololaha doorashada murashax C/qaadir Cosoble ayaa sheegay in aysan jirin iscasilaad u qorsheysan C/qaadir Cosoble isla markaana howlahiisa ololaha ay meel wanagaasan marayaan, isagoo tilmaamay in rajo ah in uu guuleysan doono Cosoble.

Mas’uulkaan oo lasoo xiriiray Caasimada Online ayaa beeniyay warar ay saxaafadda qaar qoreen, oo Caasimada Online ay ku jirto, wuxuuna tilmaamay in rajada murashax Cosoble ay aad u sareyso.

C/qaadir Cosoble oo doorashadii sanadkii 2012-kii kasoo gudbay wareega koowaad, wuxuuna hadda wadaa olole ballaaran, iyadoo dadka saadaalinayeen in wareega koowaad uu ka midd noqon doono afarta murashax ee isugu soo hara tartanka doorashada madaxweyne.

Inkastoo caawa uusan ka dhex muuqan murashaxiintii heshiiska cod isku taageerida ah haddana kama marna heshiiskaasi maadaama uu ka mid yahay murashaxiinta isbadal doonka.

- Advertisement -

Read more

Local News