Ottawa (Caasimada Online) – Dowladda Canada ayaa mar kale kordhisay hakinta barnaamijka codsiyada qaxootiga ee loo yaqaan Group Five.
Barnaamij ayaa dadka qaar u suurtageliya inay Canada si kala duwan ku tagaan, kuwaas oo ah ka mid yihiin Soomaalida.
Hakintan oo markii hore lagu dhawaaqay sanadkii 2024, ayaa hadda muddo ahaan loo kordhiyay ilaa sanadka 2027. Arrintan ayaa lagu wargeliyay dhammaan dadka ay khuseyso, xilli la filayay in barnaamijku dib u furmo dabayaaqada 2025.
Qaar badan oo horey codsiyadooda ugu gudbiyay waaxda qaxootiga Canada ayaa si gaar ah u sugayay go’aankan, maadaama ay rajaynayeen dib u bilowga barnaamijka.
Soomaali tiro badan oo hore uga faa’iidaystay nidaamkan ayaa Canada ku tegay, halka kumannaan kalena ay sugayeen in mar kale la furo, balse hadda ka war heshay in hakinta barnaamijku sii socon doonto muddo dheeri ah.
Warsame Jirde Warsame oo madax ka ah barnaamijka qaxootiga ee ardayda wax ka barta Canada ayaa sheegay in hakintan ay salka ku hayso codsiyada ka imaanaya group 5 ay aad u bateen, xilli uu waddanka yareynayo dhaq-dhaqaaqa soo galootiga.
Sidoo kale wuxuu sheegay in hakinta ay si weyn u saameynayso Soomaalida oo ayagu ahaa dadka u badan ee barnaamijka Group Five ku yimaada Canada.
“Soomaali ahaan waa kuwa koowaad ee ka xirmay barnaamijkan, dad badan oo Soomaali ah ayaa ku imaan jiray Canada. Marka la fiiriyo dadka cadaadiska u badan ka imaanayo dadka Soomaalida ayaa u badan,” ayuu yiri Warsame.

