War cusub oo kasoo kordhay dagaal beeleedka MUDUG

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda dowladda Puntland Maxamed Faarax Maxamuud oo booqasho ku tegay isaga iyo mas’uuliyiin ka socday Galmudug deegaanadii lagu diriray ee gobolka Mudug ayaa sheegay in laga gaaray xal hordhac ah.

Maxamed Faarax ayaa tilmaamay in dadaallo ay sameeyeen labada maamul iyo waxgarad deegaanka kadib lagu guuleystay in dhaqan-geliyo xabad joojin rasmi ah, wuxuuna tilmaamay inay sii socon doonaan dadaallada, si meel la’isugu keeno labada beelood.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan ogolaan doonin in xabad dambo ay ka dhacdo halkaasi, xooggana ay saari doonaan amniga iyo sidii nabad loogu wada noolan lahaa.

“Waxaannu xoogga saarnay sidii loo heli lahaa amni xabad dambena aysan halkaan uga dhici lahayn, waxaannu isla garanay in xabad joojintii bilaabay ay sideedii sii noqoto dhammaanteenna aan dammaanad qaadno xabad kale sidii aysan u dhici lahayn, inaan qof dambe halkaan nooga dhiman, nooga dhaawacmin, dhaqaale aan ku bixin lahayn meelo kale oo ka muhiimsanna aanan ku iibsan xabad aan isku dilno”, ayuu yiri Wasiir Maxamed.

Beelaha dagaalamay oo kasoo kala jeeda Galmudug iyo Puntland ayaa isku haya dhul daaqsimeed ku yaalla halkaasi, waxayna iska dileen dad badan, kadib dagaal dhexmaray.

Xaaladda ayaa haatan mid deggan, waxaana deegaanada ay colaadda ka taagan tahay la geeyay ciidamo kala dhex-galay maleeshiyaadka.

Gobollada dhexe ayaa waxaa ka taagan xaalad qasan oo ka dhalatay dagaal beeleedyo wajiyo kala duwan leh oo dib uga qarxay gobolladaasi, kuwaas oo gaystay khasaarooyin

Dagaalladan ayaa kusoo aaday, xilli halkaasi ay weli ka socdaan howlgallo lagula dagaalamayo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo laga xoreeyay dhul ballaaran.