War cusub oo kasoo kordhay darawalkii Farmaajo ee u goostay kooxda Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Xilldhibaan Faadumo oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay xog ku aadan darawalka madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo oo la xaqiijiyay inuu u goostay kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaannada oo Wariyeyaasha kula hadashay afaafka hore ee xarunta baarlamaanka ayaa sheegtay in la waayay darawalka oo lagu magacaabo Sahal Maxamed Xirsi, isla markaana arrintiisa si tartiib ah usoo ifbaxday saacadihii lasoo dhaafay.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in darawalka la waayay uu dhalay nabadoonkeeda, waxayna ka codsatay dowladda federalka Soomaaliya inay la raadiyaan ninkaasi.

“Darawalka lama hayo maanta sideed nabadoonka beesheyda ayaa dhalay anaa xildhibaan u ah laamaha dowladda oo dhan waan wargeliyay,” ayay tiri xildhibaan Faadumod.

Waxay intaasi sii raacisay “Laamaha dowladda waxaan ka codsanayaa inay soo caddeeyaan meel walbaba kaamiro ayaa ku xiran, si loo soo caddeeyo arrintiisa”.

Sida ay xogtaan ku heshay Caasimada Online, Sahal wuxuu ahaa darawalkii qaaska ahaa ee Farmaajo, kaas oo waday gaarigii garoonka Aadan Cadde geeyey Farmaajo safarkii ugu dambeeyey ee Garoowe uu ku tegay.

Sidoo kale Sahal ayaa gaarigii Farmaajo la baxsaday markii uu ka soo laabtay garoonka, waxaana naloo xaqiijiyey inuu isku dhiibay kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Xogta ayaa intaas kusii dareysaa in gaariga uu ka iibsaday magaalada Muqdisho, isla markaana uu horay u qaatay lacag kumanaan doollar ah oo gaarigii Brufta ahaa uu kala baxay.

Sahal ayaa la sheegay in maalmo kahor uu ka degay magaalada Kismaayo ee Jubbaland, isla markaana uu kaga sii gudbay deegaanada ay joogaan Al-Shabaab, si kooxdaas uu ugu dhex noolaado.

Ilaa hadda kooxda Farmaajo wax faah-faahin ah kama bixin halka uu ku dambeeyo darawalkii gaarka ahaa ee Farmaajo, balse dadka sida dhow ula socda arrintaan ayaa dib u xusuusanaya xaaladihii amni ee dalka ka jiray xiligii uu xukunka joogay Farmaajo.

Markii uu dhacay weerarkii Hotelka VIlla Rays oo ku yaalla afaafka hore ee madaxtooyada, waxaa la waayey oo Shabaab u goostay darawalkii gaarka ah ee Maxamed Mursal guddoomiyihii golaha shacabka u joogay Farmaajo, taas oo muujisay heerka uu gaaray isku milanka hey’adaha dowladda iyo Al-Shabaab.

In darawalkii Farmaajo uu Shabaab aaday maalmo kadib markii uu dhacay weerarkii Hotel SYL oo ku yaalla banaanka hore ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa sii badinaya shakiga laga qabo xiriirka ka dhaxeeya Al-Shabaab iyo kooxda Farmaajo.

Maalmihii u dambeeyay dad badan oo ku dhex qarsanahaa hey’adaha dowladda ayaa lagu guuleystay in banaanka lasoo dhigo, kuwaas oo la shaqeyn jiray argagixisada, dadkaas waxaa laga xusuustaa masuuliyiin ka tirsanaa maamulka degmada Hodan, guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenley iyo saraakiil la toogtay oo awoodooda ciidannimo ku gudbin jiray qaraxyadii lagu laayey dadka reer Muqdisho.