Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa markab xamuul ah oo hub culus iyo gaadiid dagaal u siday Dawladda Federaalka, kaas oo Jimcicihii shalay Puntland ay ku qabsaday xeebta degmada Bareeda ee u dhow Ras Xaafun.
Markabka oo lagu magacaabo Sea World ayaa waxaa laga leeyahay dalka Turkiga, wuxuuna ku socday magaalada Muqdisho, halkaas oo uu gayn rabay hubka iyo gaadiidka uu sido.
Puntland oo soo bandhigtay markabkan ayaa sheegtay in weli ay ku hayso baaris dheeraad ah, waxaana saaran gaadiidka gaashaaman iyo hub culus oo carsi ah.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in markabkan wayn oo markii hore cilad soo wajahday la caawiyay, isla markaana uu saaka ku xirtay dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, siday muujinayaan sawirro lagu baahiyay baraha bulshada.
Dhacdadan ayaa si degdeg ah u noqotay qodob kale oo sii hurin kara xiisadda maamulka Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, oo illaa hadda aan ka hadlin arrintan. Labada dhinac ayaa xiriirkoodu ahaa mid cakiran oo inta badan ay colaado hareeyeen muddo dheer.
Shixnadda baaxadda leh ee uu sido markabka
Saraakiisha amniga Puntland ayaa xaqiijiyey qabashada markabka, iyagoo xusay inuu hadda gacanta ugu jiro Ciidanka Badda Puntland (Puntland Maritime Police Force – PMPF) isla markaana lagu wado baaritaan rasmi ah. “Hubka oo dhan waxa uu xambaarsan yahay calaamado Turkish ah,” ayuu sarkaal ka tirsan Puntland uu sheegay warbaahinta deegaanka, mana uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nooca iyo tirada hubka.
Si kastaba ha ahaatee, ilo madax-bannaan oo ku dhow kiiskan ayaa Caasimada Online siisay xog horudhac ah, inkastoo aan weli la xaqiijin. Sida ay sheegeen, xamuulka waxaa ka mid ah hub culus oo kala duwan, gaadiidka dagaalka ee gaashaaman, iyo qoryaha casriga ah ee lidka diyaaradaha oo lagu tilmaamay “kuwo aan horey loo keenin Geeska Afrika,” iyo sidoo kale qalab militari iyo rasaas noocyo badan leh.
Milkiyadda markabka oo la sheegay inay Turkey leedahay iyo halka uu ku socday ee Muqdisho, ayaa dhalisay su’aalo culus, gaar ahaan marka la eego iskaashiga xoogan ee dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha ee ka dhexeeya Turkey iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Tan iyo horraantii 2010-kii, Turkey waxa ay door muhiim ah ka ciyaartay dib u dhiska ciidamada amniga Soomaaliya iyo bixinta qalabka militari.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa Soomaaliya u arka inay tahay meel muhiim ah oo istiraatiiji ah oo laga galo qaaradda Afrika, waxaana Ankara ay si weyn uga maalgelisay kaabayaasha dhaqaalaha dalka, gargaarka bini’aadannimo, iyo dib-u-habeynta qaybta amniga.
Toddobaad un ka hor, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu ku sugnaa Turkey, taasoo xoojineysa iskaashiga heerka sare ah ee ka dhexeeya labada dal. Inkastoo la rumeysan yahay in heshiis difaac iyo dhaqaale uu ka dhexeeyo labada dowladood, haddana faahfaahintiisa – gaar ahaan kuwa la xiriira hubka – lama soo bandhigin.