26.3 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

War cusub oo kasoo kordhay wax ka beddelka dastuurka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa mar kale si weyn kaga dooday arrinta datuurka oo haatan meel xasaasi ah mareyso.

Kulankan wadajirka ah oo ahaa kii 27-aad ayaa waxaa guddoomiyey Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo wehliyaan ku-xigeennada labada Aqal ee Baarlamaanka.

Xildhibaannada ayaa maanta u gudbay ka doodista madaxa 3-aad oo ka hadlaya xisbiyada siyasadeed iyo madaxa 4-aad oo ku saabsan maamulka dorashooyinka dalka.

Doodda maanta oo ahayd mid xasaasi ah ayaa waxaa isku diiwaan geliyay illaa 33 Mudane oo isugu jira labada Aqal, waxaana lagu wadaa in berri la soo gebagebeeyo.

Sheekh Aadan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in kulanka berri ay Xildhibaannada soo xaadiraan, si loo dhameystiro cutubka 4-aad ee wax ka beddelka Dastuurka KMG ka ah.

Xildhibaanada qaar ayaa diiday qorshaha wax ka beddelka dastuurka, kuwaas oo xalay ku shiray Muqdisho, isla markaana sheegay in qorshaha socda lagu kala fogeynayo dalka.

Doodda wax ka beddelka dastuurka oo maalmihii dambe ka socotay Baarlamaanka ayaa waxaa meel adag iska taagay madaxdii hore ee dalkaiyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Puntland ayaa sidoo kale kasoo horjeedo beddalidda dastuurka oo la rumeysan yahay inay gadaal ka riixeyso Villa Soomaaliya oo ay isku hayaan hoggaanka guud ee dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News