Ku dhawaad 20 QOF oo ku dhintay Garoowe, kadib markii…

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in ku dhawaad 20 qof ay ku dhinteen gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kadib markii uu maalmihii lasoo dhaafay ka dilaacay cudurka shubka.

Daacuud Calooleedkan ayaa galaaftay nolosha illaa 19 qof oo u badan carruur, halka in ka badan 300 oo kalena ay haatan la il daran yihiin, kuwaas oo la jiifiyay isbitaallada.

Sida ay wararka ay sheegayaan xaaladdan ayaa soo taagnayd illaa dhammaadka bishii hore, waxayna si gaar ah u saameysay qoysaska deggan kaamamka barakacayaasha.

Wararka ayaa intaas  kusii daraya in cudurka uu hadda si xowli ah u sii faafayo, iyadoo goobaha caafimaadka ay buux dhaafiyeen dadka uu soo ritay oo u badan carruur.

Sidoo kale waxaa soconayo dadaallo ay wadaan bahda caafimaad iyo Puntland oo ku aadan sidii loola tacaali lahaa cudurka shubka ee faraha kulul ku haya reer Garoowe.

Iskuduwaha caafimaad ee gobolka Nugaal Dr. Maxamed Jaamac Xirsi oo ka hadlay xaaladdan adag ayaa sheegay inay wadaan gurmaad caafimaad oo loo fidinayo shacabka, gaar ahaan dadka uu soo ritay xanuunka.

Waxaa kale oo uu tilmaamay inay sameeyeen xarumo lagu karantiilo dadka uu soo ritay cudurka, si loo xakameeyo inuu kusii fido magaalada oo dhan.

“Mudnaanta hadda waa in la hubiyo in si degdeg ah loo daweeyo dadka uu saameeyey, iyo in la hirgeliyo tallaabooyin ka hortag ah oo lagu joojinayo faafitaanka cudurka daacuunka ee Garoowe,” ayuu yiri Dr.  Maxamed Jaamac Xirsi.

Daacuunka ayaa ah caabuq bakteeriyo oo aad u faafa, isla markaana sababa shuban daran iyo fuuqbax, inta badanna haddii aan la daweyn keenay dhimasho.