29.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

War cusub oo kasoo kordhay dilkii Deeq Cabdi Jaamac

Bookmark
Bookmarked

Share

Guriceel (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal baaris ah oo ay xalay ciidamada Booliska ka sameeyeen magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kaas oo daba socday dilkii loo gaystay ganacsade Deeq Cabdi Jaamac oo caan ka ahaa magaaladaasi.

Ciidamada Booliska ayaa waxa gacanta kusoo dhigeen nin ku eedeysan falka dilka ah, kaas oo lagu magacaabo Cabdifitaax Cali Xasan, laguna soo xiray saldhigga Guriceel.

“Taliska Saldhigga Booliska Degmada Guriceel ayaa ka falceliyay dil caawa fiidkii ka dhacay gudaha degmada Guriceel. Ciidamada Booliska ayaa ku guuleystay inay gacanta kusoo dhigaan eedeysane Cabdifitaax Cali Xasan Diiriye kaas oo lagu tuhunsan yahay inuu dilay Marxuum Deeq Cabdi Jaamac, Allah ha u naxariistee” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Sidoo kale, Booliska ayaa intaasi ku daray in eedeysanaha la horgeyn doono Maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharci ah.

“Eedeysanaha waxaa la horgeyn doonaa maxkamadda awoodda u leh, Insha Allah” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo lasoo raaciyay “Ciidanka Booliska waxay mar walba diyaar u yihiin xaqiijinta amniga bulshada iyo bedqabka deegaanka”.

Dilkan ayaa qeyb ka ah dilal qorsheysan oo ka dhaca gudaha magaalada Guriceel, kuwaas oo inta badan loo tiriyo aanooyinka qabiil iyo kooxda Al-Shabaab, oo mararka qaar falal noocaan ah ka geysata gobolka.

Galmudug ayaa waxaa muddooyinkii dambe kusoo badanayay dhacdooyinka dilalka ah ee salka ku haya aanooyinka qabiil, iyadoo weli uu maamulka u maaro la’yahay falalka noocaan ah oo ay ku baxeen dad badan oo wax-gal ah iyo kuwa aan waxba galabsan.

- Advertisement -

Read more

Local News