War cusub oo laga soo saaray xaaladda madaxweyne Trump oo weli ku jira hosbital

Washington (Caasimada Online) – Dhaqtarka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu “aad u wanaagsan yahay”, xilli la seexiyey isbital militari oo looga daweynayo cudurka Coronavirus.

Dr. Sean Conley, oo sidoo kale ah taliye ka tirsan ciidamada badda, ayaa sheegay in Trump hadda ay ka degtay qandhadii, oo aan lagu arag saacadihii ugu dambeeyey.

Inkasta oo Conley uu sheegay in madaxweynaha aanay hadda ku xirneyn mishiinka oksijiinka, haddana waxa uu diiday inuu sheegay in mashiinkaas mar un lagu xiray iyo in kale tan iyo markii isbitalka la seexay.

Waxa uu sheegay in astaamaha cudurka ee lagu arkay ee Trump, oo ay ku jiraan qufac iyo sanka oo xirmay, ay iminka kasoo raynayaan.

“Waxa uu ku sugan yahay niyad wanaag aan caadi aheyn,” ayuu yiri Sean Dooley oo ah dhaqtarka kale oo isna ka mid ah kuwa madaxweynaha.

Bayaan xalay lasoo saaray kadib markii madaxweyne Trump la seexiyey isbitalka Walter Reed Military Hospital, ayuu Conley ku sheegay in Trump la siiyey dawada Remdesivir ee la dagaalanta fayruska, oo ah dawo weli tijaabo ku jirta.

Madaxweynaha oo isbitalka la geeyey xalay kadib markii lagu arkay qandho iyo daal badan, ayaa weli ku sugan, xilli ay sii kordhayaan kiisaska xubnaha aqalka cad ee laga helayo cudurka Coronavirus.

Trump ayaa Jimcihii laga helay cudurka Coronavrius kadib muddo bilooyin ah oo uu diidanaa inuu xirto maaskaro, isaga oo habeenkii Talaadada ee uu doodda la yeeshay Joe Biden, si aad ah ugu jees jeesay inuu xirnaa maaskaro.

Trump ayaa ka mid ah dadka loo arko inay halis u yihiin in cudurka ay u dhintaan maadaama uu yahay 74 jir, ayada oo 80% dadka cudurka u dhintay ee Mareykanka ay ka weyn yihiin 65 jir. Trump ayaa sidoo kale qaba kolestarool sare, waxaana culeeskiisa lagu qiyaasaa 110 kg.