Daawo: R/Wasaare Rooble oo soo saaray amar la xiriira doorashooyinka dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta soo saaray qoraalka faafinta iyo dhaqangalinta heshiiskii siyaasadeed ee la xiriiray doorashooyinka 2020/2021 oo ay 1-dii October gaareen madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada, isaga oo amar siiyey hay’adaha dowladda.

Hadal kooban oo uu jeediyay ayuu Ra’iisul Wasaara Rooble ku sheegay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo eegaysa muhiimadda ay leedahay in doorashooyin xalaal ah oo daahfuran dalka ka dhacaan, ay ku wargalineyso dhammaan hay’adaha kala duwan ee qaranka ee ku shaqada leh arrimaha doorashooyinka iney waajibaadka kaga aaddan u gutaan si waafaqsan habraacyada doorashooyinka ee lagu heshiiyey.

“Xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayada oo eegeyesa muhiimadda ay leedahay in doorasho xalaal ah oo daah furan ay dalka ka dhacaan, waxay ku war gelineysaa hay’ada dalka  ee ku shaqada leh arrimaha doorashad ay waajibaadkooda u gutaan hab waafaqsan habraaca heshiiska doorashada,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

“Aniga iyo xukuumaddeydu waxaan hoggaamin-doonaa geeddi-socod doorasho oo xor iyo xalaal ah, daahfuran, kuna dhacda si nabad ah.”

Amarka kasoo baxay ra’iisul wasaare Rooble ayaan imanaya ayada oo weli uusan soo dhisi xukuumaddii qaban laheyd howlaha fulinta doorashooyinka, waxaana weli dalka ka shaqeysa xukuumad xil-gaarsiin ah.

Hoos ka daawo muuqaalka Rooble