Xasan Sheekh oo ka digay ‘qorshe ay DF ka damacsan tahay’ xildhibaanada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay qorshe uu sheegay in xukuumadda hadda jirta ay damacsan tahay oo ku aadan xildhibaanada cusub ee loo soo xulayo baarlamanka cusub.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in madaxda hadda joogta ay doonayaan inay kuraasta baarlamaanka keenaan dad yar “oo askar camal ah,” oo iyaga u codeeya, hase yeeshee aysan middaasi socon doonin, tartankuna dhab noqon doono.

“Waxay ku haminayaan in ay soo saari karayaan dad yar oo ugaardiya, si ay ugu codeeyaan laakiin waxaan dhihi lahaa taas hortaa jiraa waayey,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Digniinta Xasan Sheekh ayaa imaneysa ayada oo dowladda federaalka ay si dadban iyo si toos ah u maamuli doono doorashooyinka qaar ka mid ah xildhibaanada.

Xildhibaanada beelaha Waqooyi iyo kuwa Banaadiriga ee Muqdisho lagu dooranayo waxaa maamuli doona dowladda dhexe. Waxay sidoo kale maamuli doono xildhibaanada kasoo galaya Jubaland ee lagu dooranayo Gedo.

Dowladda ayaa dhanka kale ka xiriir wanaagsan la leh maamullada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, taasi oo ka saacidi karta inay si dadban ugu lug yeelato soo xulista xildhibaanada cusub.

Xasan Sheekh ayaa markii uu madaxweynaha ka ahaa si qasab ah usoo saaray xildhibaano badan, hase yeeshee weli kama saacidin in mar kale dib loo soo doorto.