Dood ka taagan wasaarad ka mid ah xukuumaddii Kheyre iyo Rooble oo looga digay inuu dib u magacaabo

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Cabdullahi Maxamed Jimcaale ayaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble kula taliyey inuusan magacaabin wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka.

Cabdullahi Maxamed Jimcaale, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in wasaaraddaas ay aheyd mid sharci-darro ah oo uu soo kordhiyey Kheyre, maadaama ay dalka ka jirto hay’adda maareynta musiibooyinka.

Cabdullahi Maxamed Jimcaale ayaa ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Kheye ku eedeeyey xadgudub, dhaqan xumo dowladeed isaga oo ra’isul wasaare Rooble ka dalbaday wax ka qabasho.

Cabdullahi Maxamed Jimcaale  oo arrintaas ka hadalaya ayaa yiri “Arrinta koowaad oo ah shuruucdii dalka iyo dastuurka lagu tuntay, waxaa ka mid sharciga hey’adda maareynta musiibooyinka, oo ka mid shuruucda lagu qasban yahay, sharcigaas waxaa baa’biyey March 17, 2017 waxaa la magacaabay wasiirro iyo ku xigeenno oo wasaaradahaas ka mid ah wasaaradda maareynta iyo musiibada, wasaaraddaas aharci looma sameyn, awood la laheyn, oo heshiisyo geli karin oo howalo loo xilsaaray jiray ayaa lagu wareejiyey miisaaniyaddii hey’adda, shaqaalaheeda iyo shaqaalaheeda.”

Hey’adda maareynta musiibooyinka ayaa ka sheeganeysa in aaney waxba qabin isla markaana awoodeeda iyo hawlaheeda shaqo lagu wareejiyey wasaaradda.

Waxaa xusid mudan in isla wasaaradda sidaasi la leeyahay ay wasiirkeeda isku casishay sababo la xiriira in guddi kale oo gaar ah lagu wareejiyey shaqadeeda.

November 15, 2017: Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa waxay iska casishay xilkaasi.

Maryan Qaasim Axmed oo la hadashay idaacadda Goobjoog News ayaa xilligaas tiri “Waxaan xilkeyga uga tagay, waxaa igu adkaatay duruufta shaqo, aniga Institution si looga shaqeeyo ayaan aqaanna, department dhisan ama wasaarad ha ahaato waan ka shaqeyn karaa, laakin shaqada marka ay isbarbar yaac tahay, wax walba isku qasan yihiin, waxba kala baxsaneyn, micnaha confusion badan ayaa laga qaadayaa,.. dowladeyda mucaarad kuma ahi, laakin duruuftan isbarbar yaaca ah waxaa igu adkaatay in aan ku shaqeeeyo”.

Hoos ka daawo Cabdullahi Maxamed Jimcaale.