Deni oo kulamo xasaasi ka wada Nairobi iyo AXMED MADOOBE oo ku biiraya

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo shirarkii Muqdisho kadib u amba-baxay dalka Kenya ayaa kulamo siyaasadeed ka bilaabay gudaha magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi.

Deni ayaa kulamo gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee uu fadhigooda yahay magaaladaasi, isaga oo kala hadlay arrimaha doorashada 2020/21.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland uu Nairobi kula shiray xubno ka socda sirdoonka Imaaraadka Carabta oo ay ka wada-hadleen arrimo muhiim ah.

Dhanka kale wararka ayaa sheegaya in shirarkaas uu biiri doono madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ku sii jeeda dalka Kenya.

Axmed Madoobe ayaa qorshuhu yahay inuu saacadaha soo socda ka dhoofo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Hoggaamiyeyaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo saaxibo ah ayaa u muuqda kuwa sii xoojinayo is-baheysiga ka dhexeeya, kadib shirarkii ka dhacay magaalada Muqdisho oo heshiis dhab ah looga gaaray arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa is-bedal deganaasho uu ku yimid wixii ka dambeeyey markii ay is-faham buuxa ay wada-gaareen madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka iyo sidoo kale gobolka Banaadir.