25.5 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Kalsooni kala noqoshada R/W Saacid oo ay saxiixeen illaa 168 Xildhibaan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Iyaddoo baryahanba uu socday abaabul xoogan oo ay kuwada jireen Ra’iisul Wasaare Saacid Farax iyo Madaxweyne Xasan Shiikh kuna aadanaa ninkii baarlamaanka ku awood bata ayaa guusha u danbeyn doona ayaa waxaa iminka soo baxaya in Ra’iisul wasaare Saacid Farax taasi loogu itaal sheegtay.

Warbaahinta K24 ayaa xaqiijisay in la gudbiyey mooshinkii kalsooni kala noqoshada xukuumada Ra’iisul wasaare Saacid Farax Garaad, iyaddoo guddoonka uu xildhibaanada soo gudbiyey ka aqbalay codsigaasi.

” Waxaan u gudbinay guddoonka baarlamaanka mooshin aan kalsoonidii kala noqoneysa xukuumada Ra’iisul wasaare Saacid Farax Garaad waxaana ku saxiixnay 168 xildhibaan kuwaasi oo ka kala scoda shanta beelood ee Soomaalida iyo kutlad xildhibaano ka kooban 45 oo iyaga magac qabiil aan ku socon” ayuu yiri xildhibaan aanan magaciisa hadda xusi karin xaalada ammaandartood.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee baarlamaanka Somaliya Mahad Cawad ayaa ah mas’uulka qabtay mooshinkaasi. Waxaana uu sheegay in maalinta sabtida ah xildhibaanada ka fariisan doonaan mooshinka laga keenay Ra’iisul wasaare Saacid Farax Garaad.

” Guddoomiye kuxigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Cawad ayaan gacanta u gelinay mooshinkaasi aanu wada saxiixnay, waxaana uu ina siiyey warqadii ogolaanshaha in codsigaasi uu inaga aqbalay, laakiin waxaan ku sheegayaa in hadafkeenu yahay in xukuumadan ku fashilantay wixii looga fadhiyey oo aheyd waxqabad mudadii sanadka aheyd” ayuu yiri xildhibaankan.

Sida muuqatana waxaa ay midan ka dhigeysaa rajo meel soo wajaheysa Ra’iisul wasaare Saacid Farax Garaad kaasi oo horey madaxweynaha kalsoonidiisa u waayey inuu haddana baarlamaankii sidaasi oo kale kalsooni ka waayi doono.

Dareenka Muqdisho aad ayuu u kacsan yahay waxaana dadka midka aad  la hadasho uu ku sheegayaa in waqtiga Ra’iisul wasaaraha uu dhamaad yahay, maadaama hadda baarlamaanka looga yeerayo kadibna kalsooni kala laabashadiisa inay iminka u diyaarsan yihiin 168 xildhibaan.

Dhinaca kale mar aan la xirirnay xafiiska Ra’iisul wasaare Saacid Farax Garaad xubno jooga ayaa laftooda inuu sheegay inay walaac xoogan ka qabaan saxiixa 168 xildhibaan oo mooshin ka keenay xukuumada. Waxaase ay ka gaabsadeen inay ka hor dhacaan inta sabtida arrintaasi laga gaarayo.

Xigasho: Kismaayo24.com

- Advertisement -

Read more

Local News