26.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

WAR ka cusub agaasimihii musuq-masuqa loo heystay & saraakiil loo xiray dartiis

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Maxkmadda Gobolka Banaadir Muuse Maxamed ayaa dhawaan faray Hay’adaha amaanka lagu inay kusoo xiraan Saraakiishii dhowr ah.

Guddoomiyaha Maxkamada ayaa amar ku bixiyay in si dhaqsi ah lagu soo xiro Saraakiisha ka danbeysay xariga Agaasimaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Daahir Nuur oo loo heysto dacwo inuu musuq maasuqa lacag ay laheyd Wasaaradda.

Guddoomiyaha Maxkamada ayaa amarkaani soo saaray kadib markii uu si hordhac ah u dhagaystay dacwada agaasimaha.

Gudoomiyaha ayaa amray in marka hore lasoo xiro laba sarkaal oo ka tirsan CID kuwaa oo amray xariga Agaasimaha.

Saraakiisha la amray in lasoo xiro ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Cabdi Axmad iyo Farxaan C/xakiin mursal.

Haddaba amarkaas kadib ayaa lasoo xiray labadii sarkaal ee fasax la’aanta usoo xiray Agaasimaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka waxaana soo baxayo in dib loo soo daayey.

Dhank kale Daahir Nuur ayaa loo gudbiyey Xabsiga dhexe waxaana la filayaa in 45 cisho kadib lasoo tago maxkamad si loo arko caddeymaha muujinayo inuu musuq maasuqa lacag dhan ilaa 84 Kun oo Dollar oo ay laheyd Wasaaradda Gargaarka.

Dacwadda ka dhanka ah Agaasimaha ayaa waxaa horey usoo gudbyey Xafiiska Hanti Dhowraha Qaranka oo muddo badan dabagal ku hayey arrintaan sida ay noo xaqiijyeen saraakiil ka tirsan Xarunta dambi Baarista CID.

Sababta ay Maxkamadda Gobolka Banaadir u  xirtay Saraakiisha soo qabtay Agaasimaha kama dhigno inuusan Agaasimaha dambi laheyn balse arrinta loo xiray ayaa ah inay ninkaas soo qabteen iyagoo aan waraaq amar ah ka heysan Maxkamadda Gobolka.

Sida aan xogta ku helnay lacagta la musuq maasuqa ayaa looga faa’ideystay waqtigii kala wareegga ahaa oo ay ku jirta Wasaaradda Gargarka maadaama ay is casishay Wasiir Maryan isla markaasna ay xoogaa qaadatay in booskaas loo magacaabo Wasiir kale.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News