Garoowe (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dil xalay ka dhacay magaalada Garoowe, kaasi oo koox burcad ah u geysteen wiil dhalinyaro ah.
Wiilka la dilay oo lagu magacaabo Khadar Cabdi Yuusuf Nuur ayaa ka mid ahaa dhalinyarada gudaha magaalada uga shaqeysta mooto bajaajta. Marxuumka waxaa dilay koox burcad ah oo ku hubaysnayd toorey, sida uu xaqiijiyay Taliska Booliska Puntland.
Taliska oo war-saxaafadeed kasoo saaray kiiskan, ayaa shaaciyay in ciidamadu gacanta kusoo dhigeen shaqsiyaad ku eedeysan dilkan. “Ciidanka Booliska, gaar ahaan Taliska Qaybta Gobolka Nugaal, ayaa bilaabay baaritaan rasmi ah tan iyo markii xalay abaaro 18:35 makhribnimo uu fal dil ah ka dhacay aagga Naaso Hablood,” ayaa lagu yiri qoraalka booliska.
Sidoo kale waxaa qoraalka lagu yiri: “Ciidanka booliska ayaa markiiba gaaray goobta, waxayna ku guuleysteen in ay soo qabtaan dad lagu tuhmayo kiiskan. Waxaa socda baaritaan rasmi ah, waxaana boolisku caddeeyeen in faahfaahinta dhabta ah laga war sugi doono inta hawlgalka baarista uu socdo.”
Taliska Booliska Puntland ayaa caddeeyay in bulshada ay la soo wadaagi doonaan faahfaahinta dhabta ah, isla markaana laga war sugo inta hawl-galka baarista uu socdo.
Hoos ka aqriso qoraalka:
August 11, 2025: Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Gobolka Nugaal, ayaa bilaabay baaritaan rasmi ah tan iyo markii xalay (August 10, 2025, abaaro 18:35 Makhribnimo) uu dhacay fal dil ah oo ka dhacay aagga Naaso Hablood ee magaalada Garoowe.
Falkan ayaa sababay geerida Khadar Cabdi Yuusuf Nuur (Ina Caasho Sulub), oo 25 jir ahaa, isla markaana ahaa darawal mooto-bajaaj. Sida ay sheegayaan warbixinada hordhaca ah ee booliska, marxuumka waxaa dilay koox burcad ah oo ku hubaysnayd toorey, kuwaas oo falka kadib goobta ka baxsaday.
Ciidanka booliska ayaa markiiba gaaray goobta, waxayna ku guuleysteen in ay soo qabtaan dad lagu tuhmayo kiiskan.
Waxaa socda baaritaan rasmi ah, waxaana boolisku caddeeyeen in faahfaahinta dhabta ah laga war sugi doono inta hawlgalka baarista uu socdo.
Ciidanka Booliska Puntland wuxuu mar kale adkeynayaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta amniga muwaadiniinta, qabashada eedeysanayaasha dambiyada, iyo in si degdeg ah loo horkeeno sharciga cid kasta oo ku lug leh falal amni-darro ah.