War ka cusub guddiga wax ka beddelka muddo xileedka BF iyo madaxweynaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga ka talo-bixinta wax ka bedelka mudo-xileedka Labada Aqal ee BF iyo Madaxweynaha ee qodobada 60-aad iyo 91-aad ee dastuurka KMG ah ayaa xarunta Villa Hargeysa ku yeeshay kulan uu shir-guddoominayay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb-galay wasiirka gaashaandhiga ee XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo guddiga xog iyo warbixin dhameystiran ka siiyay horumarada laga gaaray howl-galada dalka looga sifeynayo kooxda Al-Shabaab.

Wasiir Jaamac ayaa sidoo kale waxa uu guddiga la wadaagay oo uga warbixiyay horumarada ka jira deegaanadda maleeshiyaadka kooxda laga saaray, kuwaasi oo qaarkood ay gacanta ku hayeen in ka badan toban sano.

Guddiga ayaa dhankooda ku amaanay ciidamada Qaranka dadaalka ay ugu jiraan in dhulka Soomaaliyeed laga cirib-tiro khawaariijta, iyaga oo kula dardaarmay in ay dadaalkooda laba jibbaaraan.

Wasiir Jaamac ayaa dhawaan kasoo laabtay safar uu ku tegay dalka Uganda, halkaasi oo uu tababar heer sare ah ugu soo xirey urur gaar ah (special force)oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaalad dagaal, waxaana qeybo badan oo kamid ah gobollada dalka ka socdo howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo dhawaan uu si rasmi ah u billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.