War ka cusub Shabaab gudaha u galay degaan hoostaga Mahadaay

Jowhar (Caasimada Online) – Dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegaya in haatan soo galeen deegaan hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, oo todobaadkii u dambeeyay ay ka soo gudbayeen dhinaca Webiga.

Ciidamada dowladda iyo shacabka hubeysan ayaa la sheegaya in howl-gallo ka dhan ah xubnahahan soo galay deegaankaas ka fuliyeen halkaas, kuwaasi oo ah dagaallo toos ah iyo duqeymo.

Maamulka HirShabeelle oo sheegay inay la socdaan xogta xubnahan Shabaabka ah ayaa sidoo kale ku goodiyay guluf culus oo ka dhan ah Shabaab.

Wasiirka Amniga Maamulka Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo arrinkaan ka hadlay ayaa sidoo kale waxa uu ciidamada huwanta faray iney feejignaan dheeri ah muujiyaan.

Al-Shabaab ayaa doonaysay in dagaal-yahano badan ay soo geliyaan inta u dhaxeysa deegaanada xorta ah ee gobolka Shabeellada Dhexe, xilli marxaladd xasaasi ah uu marayo dagaalka ka dhanka ah kooxda.

Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa kamid ah meelaha sida ba’an loogu laayay dagaal-yahaanada Al-Shabaab, sidoo kalena waxaa laga qabsaday dhul ballaaran oo kooxda ay sanado badan gacanta ku haysay.

Si kastaba, Waxaa dhawaan si rasmi ah u bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaasi oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska, si kooxda looga xoreeyo deegaanada weli ku harsan gacantooda.