War ka cusub weerarkii ay naftooda ku waayeen aabe iyo hooyo deganaa CAMAARA

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay weerar loo adeegsaday madaafiic ku qaaday deegaanka Camaara ee Koonfurta gobolka Mudug, kaasi oo galaaftay nolosha dad isku qoys ah.

Aabe iyo Hooyo lagu kala magacaabi jiray Axmed Cabdullahi Sheekh iyo Dheeh Yuusuf Cabdullahi ayaa xalay saqdii dhexe hoobiye kusoo dhacay gurigii ay daganaayen oo jingad ahaa, kaas oo ay naftooda ku waayeen.

Sidoo kale waxaa weerarka hoobiyaha ayaa sidoo kale waxa uu dhawaac kasoo gaaray wiil yar oo 12 sano jir ah, oo ka mid ahaa carrurta qoyska, kaasi oo haatan lala tacaalayo xaaladdiisa caafimaad.

Axmed Cabdi Maxamed (Showqi) oo ay dhashay hooyada weerarkaan ku dhimatay ayaa sheegay in uu weli ku jiro naxdintii ay ku abuurtay warka geerida hooyo Dheeh.

“Aniga oo aan filayn oo xaalad farxad ah ku jira ayay isoo gaartay geerida hooyo iyo adeer, waligay ma filayna in war noocaas ah la ii sheegi doono, balse xalay ayuu walalkey isoo wac oo ii sheegay. Alle ayaa qoray in maanta ay dhimato oo aduunkeeda ayaa intaas ku ekaa,” ayuu yiri Showqi oo la hadlay BBC.

Showqi ayaa sidoo kale waxa uu ka sheekeeyay argagaxa uu abuura weerarkaan, wuxuuna yiri “Waxaa jira wiil yar oo walaalkay ah oo guriga joogay oo markii hore la waayay loona qabay in uu geeriyooday, balse saaka la helay isaga oo madax dhaawac ka ah, labadii kalna waa carareen xalay markii ay wax dhaceen basle maanta ayaa lasoo helay.”

Geerida waalidkii ayuu sheegay inay lama filaan ku noqotay qoyska oo dhan, ayna noloshiisana si xun u saameysay, “Hooyo Allah u naxariisto, samir iyo imaan allah naga siiyo, si lama filaan ah ayay u dhimatay oo runtii waa arrin musiiba ah oo hooyaday macaan ay ku baxday.”

Allaha u naxariistee hooyo Dheeh ayaa ifka uga tagtay toban caruura ah oo ay u dashay ninkeedii hore, wax ubad ahna uma dhalin Axmed Cabdullaahi oo ay hadda is-qabeen xalayna ay isku meel ku geeriyoodeen.