25.4 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

War naxdlin leh oo ka soo kordhay xaaladda Soomaalidii Sacuudiga qorsheynayey in..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Riyadh (Caasimada Online) – Tobannaan qof oo u dhashay dalalka Geeska Afrika oo xukun dil ah ku sugaya dalka Sacuudi Carabiya ayaa lagu wargeliyey in xukunkooda la fulin karo “maalin kasta,” sida ay maxaabiis iyo qaraabadoodu u sheegeen warbaahinta Middle East Eye.

Raggan, oo dhammaantood ka soo jeeda dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya, ayaa lagu helay dambi ah ka ganacsiga maandooriyaha, kaas oo ciqaabtiisu tahay dil toogasho ah gudaha boqortooyada Sucuudiga.

Maxaabiistan oo ku xiran xabsiga Najiran oo ku yaal meel u dhow xuduudda Yemen, ayaa sheegay in toddobaadyo ka hor lagu wargeliyay in xukunnadooda, oo inta badan ah in madaxa laga gooyo, la fulin doono goor dhow.

“Waxay noo sheegeen inaan macsalaameyno eheladeena,” ayuu yiri mid ka mid ah ragga la xukumay oo codsaday inaan magaciisa la shaacin oo la hadlay Middle East Eye.

“Waxaa naloo sheegay in dilalka la bilaabi doono waxyar kadib Ciidul Adxaa, haddana way billaabmeen.”

Liis ay ku qoran yihiin magacyada dadka la xukumay oo ay heshay Middle East Eye ayaa muujinaya 43 qof oo Itoobiyaan ah iyo 13 qof oo Soomaali ah. Sida ay sheegeen maxaabiistu, ugu yaraan lix ka mid ah dadkaas ayaa la toogtay bishii la soo dhaafay.

Kororka dilalka

Hay’adda xuquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa diiwaangelisay ugu yaraan 52 dil oo la xiriira dembiyo maandooriye oo ka dhacay boqortooyada intii u dhaxeysay Jannaayo iyo Abriil.

Isagoo doonaya inuu jilciyo aragtida muxaafidka ah ee dalka, taasoo qayb ka ah barnaamijka dib-u-habaynta dhaqaalaha ee “Vision 2030” iyo ka hor inta uusan dalku martigelin Koobka Adduunka ee FIFA sanadka 2034, Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan waxa uu hirgeliyay isbeddello xiriir ah oo lagu furfurayo qaar ka mid ah dhinacyada bulshada Sacuudiga.

Waxa uu sidoo kale si isdaba joog ah u ballanqaaday inuu wax ka beddelayo nidaamka adag ee garsoorka dalka, kaasoo dembiyada sino, diinta ka bixid, iyo “sixirka” u aqoonsan dembiyo lagu mutaysto dil. Sacuudi Carabiya wuxuu ka mid yahay dalalka ugu horreeya adduunka ee fuliya xukunnada dilka ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la laalay hakad aan rasmi ahayn oo sanadkii 2021-kii la saaray ciqaabta dilka ee dembiyada la xiriira maandooriyaha.

Tani waxay horseeday in dilalku ay xawaare ku socdaan. In ka badan 300 oo qof ayaa la dilay sanadkii hore, taasoo ahayd tiradii ugu badnayd ee boqortooyadu ay diiwaangeliso. Sannadkan, 100 dil ayaa la diiwaangeliyay bishii May oo keliya.

Mid ka mid ah sababaha suurtagalka ah ee kororkan, sida ay sheegeen khubaradu, ayaa ah in maandooriyeyaal dheeri ah lagu daray liiska kuwa ciqaabtoodu tahay dilka.

“Waxaan sannado badan la soconay kiisaska xukun dilka ah ee muwaadiniin badan oo ajnabi ah, dembiyada maandooriyaha badanaa waxay la xiriiri jireen maaddooyin sida amphetamines ama kookayn,” ayay tiri Duaa Dhainy, oo ah cilmi-baare ka tirsan Ururka Yurub iyo Sauudiga ee Xuquuqda Aadanaha (European Saudi Organization for Human Rights), oo la hadashay Middle East Eye.

“Si kastaba ha ahaatee, waxaan aragnay in laga bilaabo 2024-ka, ajaanib badan lagu dilay haysashada xashiishka, sidaas darteed waxay ballaariyeen dembiyada horseedi kara dilka. Dhammaan dilalka Itoobiyaanka iyo Soomaalida ee aan diiwaangelinnay sanadkan waxay la xiriireen haysashada ama ka ganacsiga xashiishka.”

Qoyska Khaalid Maxamed Ibraahim oo 27 jir ah, warka sheegaya in dib loo bilaabay dilalka dembiyada maandooriyaha ayaa ku riday murugo iyo calool xumo weyn.

Khaalid walaalkiis ka weyn wuxuu ku adkaysanayaa in walaalkiis uusan dambi lahayn, wuxuuna sheegay inay qoyska u ahayd toddobo sano oo silic ah tan iyo markii la xiray.

“Waxa uu isku dayay inuu dalka ka galo dhinaca Yemen,” ayuu Muleta u sheegay Middle East Eye. “Ilaaliye ka tirsan ciidanka xuduudda ayaa ku dhiirigeliyay inuu u sheego xabsi-hayeyaashiisa inuu yahay tahriibiye maandooriye, isagoo u sheegay inay taasi keenayso in maxkamad la geeyo oo si degdeg ah loo sii daayo maadaama aysan jirin wax caddeyn ah. Wuuna rumaystay.”

Ka cararidda silic iyo saxariir

Muleta wuxuu sheegay in walaalkiis Khaalid lagu qasbay inuu isaga baxo dalkiisa.

Isagoo ka soo jeeda magaalada Chalanqo ee deegaanka Oromiya ee dalka Itoobiya, wuxuu ka mid ahaa ardaydii ka qaybgashay dibadbaxyadii Oromada ee 2016-kii, kuwaasoo aakhirkii horseeday is-casilaadda Ra’iisul Wasaare Hailemariam Desalegn laba sano kadib.

Labada walaalaba waxay ka mid ahaayeen kumanaan dhallinyaro ah oo loo xiray ka qaybgalka kacdoonkii dowladda looga soo horjeeday, sida uu xusay Muleta.

Markii iskuulkii laga eryay oo uusan awoodin inuu jaamacad iska diiwaangeliyo, Khaalid wuxuu isku dayay inuu noloshiisa hore u wado, isagoo guursaday oo dhawr sano ka shaqeynayay burcadnimo. Laakiin markaas kadib, xaaskiisa ayaa uur yeelatay.

“Wuxuu rabay inuu nolol wanaagsan u helo wiilkiisa, laakiin [dowladda] ayaa ka xirtay dhammaan fursadihii,” ayuu yiri Muleta. “Taasi waa sababta uu uga tagay Itoobiya.”

Khaalid waligiis kuma noolaan nolol xor ah gudaha Sacuudiga, maadaama la xiray isla markii uu yimid sannadkii 2018-kii.

Kaddib 11 maxkamadood oo uu soo maray, waxaa lagu xukumay dil bishii Oktoobar 2019. Weligiis ma helin fursad uu kula kulmo wiilkiisa, oo hadda siddeed jir ah.

Duaa Dhainy waxay sheegtay in kiisaska sida kan Khaalid oo kale ay inta badan maraan maxkamadaha ilaa ay ka gaaraan maxkamadda boqortooyada, oo ah tan ugu sarraysa Sacuudiga, halkaas oo uu boqorku ku saxiixo xukunnada dilka ah.

“Si kastaba ha ahaatee, mararka qaarkood dokumiintiyadu waxay muujinayaan in eedaysanuhu uusan weligiis helin qareen,” ayay tiri Dhainy.

“Sidoo kale, ma jirto dammaanad ah in maxbuusku fahmay eedeymaha, in loo turjumay, ama inuu la socday nuxurka dokumiintiyada, oo ay ku jiraan qirashooyinka, ee mararka qaarkood lagu qasbo inuu saxiixo.”

Muleta wuxuu sheegay in walaalkiis u sheegay in jirdilka iyo garaacistu ay yihiin wax iska caadi ah xabsiga Najiran. Qoyska oo naf ahaan daalan, dhibaatadoodu waxay kasii dartay toddobaadyadii la soo dhaafay.

“Waxay u ahayd cadaab waalidiinteena,” ayuu raaciyay Muleta. “Way waalan rabaan. Wax kasta waan isku daynay, waxaan isku daynay inaan ka barino mas’uuliyiinta inay na caawiyaan, laakiin cidina waxba ma aysan qaban.”

Dhowr maxbuus oo dil ku xukuman oo ku jira xabsiga Najiran ayaa sidoo kale u sheegay Middle East Eye in qoysaskoodu ay sannado badan ku bixiyeen inay gargaar ka baryaan dowladdooda, oo ay ku jiraan diblomaasiyiinta Itoobiya ee fadhigoodu yahay Sacuudiga.

Safaaradda Itoobiya ee Sacuudiga, oo leh taariikh la diiwaangeliyay oo ku saabsan inay qarisay dhibaatada Itoobiyaanka ku dhex jira nidaamka garsoorka Sacuudiga, ayaa lagu dhaleeceeyay waxqabad la’aanteeda arrintan.

Middle East Eye waxay la xiriirtay Safiir Muktar Kedir Abdu iyo wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya si ay faallo uga bixiyaan, laakiin wax jawaab ah kama aysan helin.

Cadaadiska Soomaalida

Dalka Soomaaliya, tebinta xooggan ee warbaahinta iyo ololaha ay wadeen qoysaska maxaabiista dilka ku xukuman ayaa horseeday in dowladda Soomaaliya ay si furan uga codsato mas’uuliyiinta Sacuudiga inay u naxariistaan, taasoo keentay wacyigelin ballaaran oo ku saabsan halista jirta.

“Warbixinnadeennu waxay gacan ka geysteen in dareenka heer qaran iyo heer caalami loo soo jeediyo dhibaatada haysata ku dhawaad 50 Soomaali ah oo dil ku wajahan Sucuudiga — kuwaasoo intooda badan lagu qasbay inay tahriibiyaan maandooriyaha iyadoo si qaldan loo marin habaabiyay,” ayuu Dalmar Guure, oo ah tifaftiraha guud ee Hiiraan Online.

“Iyadoo ay weheliso cadaadiska qoysaska, tebinta warbaahinta Soomaalida waxay gacan ka geysatay kicinta dadaallo diblomaasiyadeed, oo ay ku jiraan wadahadallo ku saabsan is-dhaafsiga maxaabiista iyo codsiyada cafiska.”

Kooxda ku xiran xabsiga Najiran ma ahan kooxda keliya ee Afrikaan ah ee dil ku xukuman Sucuudiga.

Horraantii bishan, saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujiyay dilal la filayo in lagu fuliyo 26 Masaari ah oo ku xiran xabsiga Tabuk ee waqooyiga dalka, kuwaasoo loo haysto dembiyo la mid ah oo maandooriye ah. Waxay ku cambaareeyeen xukunnadaas inay yihiin “xadgudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah.”

Toddobaadkii hore, in ka badan 30 urur oo u dooda xuquuqda aadanaha, oo intooda badan fadhigoodu yahay Bariga Dhexe iyo Afrika, ayaa daabacay warqad furan oo ay ugu baaqayaan dhaxal-sugaha inuu khafiifiyo xukunnada dilka ah ee lagu riday in ka badan boqol qof oo Itoobiyaan, Masaari, iyo Soomaali ah.

- Advertisement -

Read more

Local News