Xogo dheeraad ah oo kasoo baxaaya Duqeymo cirka oo lala eegtay Saldhig ay Daacish ku leedahay Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ee maamul gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in diyaarado kuwa aan duuliyaha laheyn duqeyn ka geysteen deegaan ay ku xoog badan yihiin kooxda Daacish ee ka dagaalanta degmada Qandala.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in duqeyntan ay ka dhacday Tuulo lagu magacaabo Dhaadaar oo ka tirsan Qandala halkaa oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka daacada u ah Sheekh Cabdulqaadir Muumin.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay xalay saqdii dhexe maqleen dhowaaqa duqeyn cirka ah oo lala beegsanayay deegaano ay ku sugnaayeen ururka Daacish.

Weli ma cadda cidda geysatay weerarkaa iyo cidda wax ku noqotay, laakiin Soomaaliya iyo gobolka bariba waxaa marar horey duqeyn uga geystay ciidamada Mareykanka ee Africa ka howlgala.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com