Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Weerarkii lagu qaaday shaqaale ka tirsan Isbitaalka Deva oo isugu jiray kuwa u dhashay Dalka Turkiga iyo kuwa Soomaali ah.
Weerarka ayaa waxaa geystay gaari ay la socdeen maleeshiyaad ku hubeysnaa qoryaha noociisu kala yahay AK47, BK kuwaasi oo ku labisnaa dareeska Ciidamada Dowlada, sida ay sheegen goobjoogayaal ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacay oo aheyd xaafada Taleex ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Weerarka ayaa waxaa ku dhaawacmay 6 ka mid ah shaqaale Turkish, kuwaasi oo la socday gaariga Nohada ee weerarka lagu qaaday.
Weerarka ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay 2 ka mid ahaa shaqaalaha Turkida ee Isbitaalka Deva iyo labo qof oo ahaa muwaadiniin soomaaliyeed.
Maleeshiyaadka weerarka fuliyay ayaa saarnaa gaari Caasi ah, oo fulinta qorshahooda kadib halkaasi isaga baxsaday, waxaana jiro warar aan la xaqiijin oo sheegaya in goobta weerarka uu ka dhacay ay ku sugnaayen Ciidamo ka tirsanaa Dowlada oo rasaasta ka cararay, kadib markii ay cabsi soo foodsaartay.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Hay’adaha amaanka ee Dowlada federaalka soomaaliya, iyo sidoo kale Masuuliyiinta Isbitaalka Deva
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]