27.9 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya buuqii ka dhashay mooshinka C/WELI

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Buuq iyo sawaxan ka dhacay Xarunta Baarlamaanka DF Somalia.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta u balansanaa in loo qeybiyo Mooshin Xildhibanada qaar ay ka soo gudbiyeen Xukumadda Ra’iisul Wasaare C/wali Sheikh Axmed Maxamed,ayaa waxaa arrintaasi mar qura ka qeyliyay inkabadan Boqol xildhibaan oo kasoo horjeeday Mooshinka la horgeynaaya Baarlamaanka.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibanada qaar ay iskaga baxeen Kulanka,waxaana Xaruunta Buuqa ka dhaliyay Xildhibanada Taageersan Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo ka soo horjeeda in Mooshin laga keeno Xukumadda.

Xildhibaanada hoolka isaga baxay ayaa la Tilmaamayaa inay horay usii qaateen Buugii Xaadirinta Xildhibanada si loogu Wareero Xildhibada soo xaadiray maanta, inkastoo ay Xarunta markii danbe buux dhaafiyeen Ciidamada Khuseeyay Ammaanka oo kala eryinaayay Xildhibaanada labada garab kala taageersan oo qarka u saarnaa inay gacanta iskula tagaan.

Sidoo kale, wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan”Jawaari” uu gabi ahaan isaga baxay Xarunta Baarlamaanka kadib markii uu maaro u waayay Buuqa Xildhibanada.

Kaamiradaha ayaa qabtay Xildhibaano isku baxsanaaya kuwaasi oo kala ayidsanaa Labada Mas’uul ee ugu sareysay DF Somalia, waxaana xili dambe ay Ciidamada Ammaanka bilaabeen inay xarunta ka soo dhex saaraan Xildhibaanada, iyadoona sababtu tahay gacan ka hadal laga cabsi qabay in Xarunta uu ka dhaco.

Dhanka kale, Ku-xigeenada Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa xoog looga saaray Xarunta kadib markii Xildhibaanada qaar ay isku dayeen inay ula tagaan gacan ka hadal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News