“Dhib walba oo ka dhex dhaca xarunta BF waxaa sabab u ah Xasan & Jawaari”

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo uu maanta buuq iyo sawaxan kusoo idlaaday Fadhigii Xildhibaanada Baarlamaanka DF Somalia, ayaa waxaa arrintaasi si adag uga hadlay Xildhibaan Maxamed Ibaarhim Xaabsade oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka.

Xildhibaan Maxamed Ibaarhim Xaabsade, ayaa sheegay in asalba Mooshinka uu ahaa mid aan xalaal aheyn, waxa uuna Tilmaamay in Fashilka ku imaaday Mooshinka laga soo gudbinaayay Ra’isulwasaare C/weli Sheekh Axmed uu ahaa mid la filaayay inuu dhacaayo.

Xaabsade Aragti ahaan ayuu sheegay inuu qabo xilligaan inaan loo baahneen mooshinkaan, islamarkaana amarkiisa uu yahay mid ka yimid banaanka baarlamaanka Soomaaliya, ka dib khilaafka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh.

Wuxuu cadeeyay in foodo ka duwan tan maanta dhacday ay u balansan yihiin Xildhibaanada taageersan R/W C/weli waa haddii aan la joojin Mooshinada Madaxtooyada laga soo abaabulaayo.

Isaga oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Xildhibaanadu waxa ay kala taageersan yihiin labada Mas’uul koox waliba waxa ay diyaar u tahay inay difaacdo go’aankeeda, haddii ay Xassan iyo Jawaari ka dhaga adeegaan joojinta Mooshinada dabcan Baarlamaanku waxa uu noqonayaa mid aan waxba dhaamin kuwii KMG ahaa”

Xaabsade waxa uu sidoo kale sheegay in Mooshinka R/W C/weli natiijadiisu noqon doonto Fashil iyo gacan ka hadal, waxa uuna arrintaasi ku micneeyay in Madaxda dalka ay iyaguba daadihinayaan Qaska baarlamaanka ka dhex dhaca.

Xaabsade ayaa soo dhaweeyay go’aankii shalay kasoo baxay madaxda ugu sareysa ee dowladda Federaalka Soomaaliya, taa oo ku aadan hakinta shirkii ka socda magaalada Baydhaba ee gobalka Bay.

Ma uusan kusii fogaan ka hadalka Buuqa iyo sawaxanka maanta ka dhex dhacay Baarlamaanka, balse waxa uu dhaliisheeda u jeediyay Xassan iyo Jawaari oo uu sheegay inay ugu tallo galeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com