Madaxii waaxda socdaalka garoonka Adan Cadde oo Muqdisho lagu toogtay

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Kooxo hubeysnaa ay magaalada Muqdisho ku toogteen Madaxii waaxda socdaalka ee Garoonka diyaaradaha Aadan cadde Maxamuud Cabdi Cadoow Dhabareey.

Wararku waxa ay sheegayaan in Kooxda toogashada geystay ay la socdeen gaari nooca NOHA loo yaqaan, waxaana la Tilmaamayaa inay isku hor jareen gaariga uu watay Mas’uulkaan oo maraayay meel aan sidaa uga sii fogeyn Isgoyska Km-4 ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ruux la sheegay inuu la socday Marxuumka la dilay oo lagu naaneesaayay Dhabareey, iyadoona markii dambe ay goobta gaaren Ciidamada Ammaanka oo baaritaano goobta ka sameeyay.

Dhanka kale, waxaan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi balse waxaa xusid mudan in weerarada sidaan oo kale ay noqdeen kuwo magaalada kusoo batay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com