25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

War kasoo kordhay Xildhibaankii lagu dilay magaalada Muqdisho caawa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Xafiiska Shabakadda Caasimada Online ee Muqdisho ayaa xiriiro kala duwan la sameeyay qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo uu wax ka weydiiyay ilaa hadda waxa laga ogyahay xildhibaanka galabta lagu dilay xaafadda Buulo-Xubeey ee Magaalada Muqdisho.

Mid ka mid ah xildhibaannadaas oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Kulalihi ayaa  u sheegay Shabakadda Caasimada Online in xildhibaanka la dilay lagu magacaabi jiray Xuseen Cabdisalaan Maxamed (Xuseen Dheere).

Xildhibaanka ayaa waxaa toogtay rag hubeysan oo watay baabuur nooca Rooneedka ah, waxaana inta aysan toogan ay baabuurkiisa ku gooyeen kii ay wateen waxaana markiiba soo baxay labo dhallinyaro ah kuwaasoo toogtay xildhibaanka isla markaana goobta ka baxsaday.

Xildhibaanka la toogtay ayaaa loola cararay Isbitaal Madiina,wuxuuna geeriyooday intii loo sii waday Isbitaalka.

Xildhibaanka ayaa la sheegay markii la tooganayay in uu ka soo baxay Jaamacadda Muqdisho xarunta ay ku lee dahay Xaafadda Buulo-Xubeey ee degmada Wadajir, waxaana baabuurka uu watay la saarnaa arday ka tirsan Jaamacadda Muqdisho.

Marxuumka ayaa la sheegay in uu ku jiray sannadkii ugu dambeeyay ee Wax-barashadda Jaamacadda Muqdisho.

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka iyo dhammaan xildhibaannada baarlamaanka ayaa si kulul u cambaareeyay dilka xildhibaanka.

Ma ahan markii ugu horeysay oo xildhibaan lagu dilo magaalada Muqdisho waxaa horey loo dilay xildhibaan Sodog u ahaa madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News