27 C
Mogadishu
Tuesday, December 16, 2025

Warar kusoo kordhay safarkii Erdogan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dib u dhac uu ku yimid safar la doonayay in maanta magaalada Muqdisho uu ku yimaado madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Tayib Ordagan.

Safarka madaxweynaha ayaa la sheegay in loo baajiyay geeridii ku timid boqorka dalka Sacuudiga Boqor Cabdalle Bin Cabdi Casiis oo xalay saqdii dhexe ku geeriyooday isbitaal ku yaala dalka Sacuudiga.

Daa’uud Aweys, afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya oo la hadlay saxaafada ayaa xaqiijiy baaqshada safarka madaxweynaha dalka Turkiga Mr Ordagan oo la filayay in maanta Muqdisho uu yimaado.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb galaya aaska meydka boqorka dalka Sacuudiga oo xalay geriyooday sida uu xaqiijiya Daa’uud Aweys.

Diyaar garowga safarka madaxweynaha  dalka Turkiga ayaa si weyn looga dareemay magaalada Muqdisho waxaana ilaa iyo hadda xiran waddooyin badan oo loo xiray safarka madaxweynaha.

Waxaa waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho lagu xardhay calamada dalalka Soomaaliya iyo Turkiga, waxaana garoonka diyaaradaha lagu wada dhajiyay sawirada madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]m

- Advertisement -

Read more

Local News