Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada amaanka ayaa isku gadaamay goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana gabi ahaanba la joojiyay dhaqdhaqaaqii dadweynaha ee wadada Maka Al Mukarama.
Wararkii u dambeeyay ee aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay agagaarka hotel Maka Al Mukarama, waxaana dad ugu badan ay waxyeelo kasoo gaartay Dhismaha Maqaayada Hillaac UK iyo hotel Wardheer oo ku dhow Maka Al Mukarama.
Muuqaal laga duubay daarta dheer ee SOMNET oo ku dhegen saldhiga Degmada Waaberi ayaa muujinaya khasaaro badan oo dadka rayidka ah kasoo gaaray qaraxa caawa dhacay oo aad u xooganaa.
Gaadiidka gurmadka deg dega ayaa gaaray goobta qaraxa xoogan uu ka dhacay, waxaana qaraxa kadib ciidamada amaanka ay fureen rasaas badan oo qalqal gelisay dadka shacabka ah.
Xaalada ayaa wali adag waxaana la ogaan karin wararka rasmi ah ee weerarka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]