Sawirro: Wararkii u dambeeyay xiisada Puntland iyo ciidamada la wareegay Garowe

Garowe (Caasimada Online) – Ciidamada Kumaandooska iyo kuwa daraawiishta ee Puntland ayaa iyaga oo gadoodsan la wareegay xarunta baarlamaanka maamulka Puntland iyo wasaarada maaliyada maamulkaasi.

Xarumaha oo ku yaala magaalada Garowe ayaa lagu arkayaa ciidamada oo careysan kuwaasi oo wata qoryahooda, lana wareegay guud ahaan amaanka goobta.

Ciidamada ayaa waxay xireen guud ahaan wadada baarlamaanka hormarta, waxayna diidayeen dhaqdhaqaaqa dadweynaha iyo gaadiidka magaalada Garowe.

Goobta marka ay la wareegayeen ciidamada maamulka Puntland ee gadoodsan, waxaa goobta ku sugnaa tiro xildhibaano ah oo baarlamaanka ka tirsan kuwaasi oo aan ka warqabin marxalada jirtay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada gadoodsan ee la wareegay xarunta Baarlamaanka iyo Wasaaradda Maaliyada ayaa ka cabanaya mushaar la,aan iyo xuquuqdoodii oo ka maqan.

Ciidamada maamulka Puntland iyo shaqaalaha maamulkaasi ayaa bilihii ugu dambeeyay helin wax mushaar ah iyo xaqii ay lahaayeen.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku sugan Magaalada Boosaaso, halkaasi oo la sheegayo inuu ka wado arimo ku aadan isbedel uu doonaayo inuu ku sameyo Golaha Wasiirada Puntland.