Xog: Imaaraadka oo Xasan Sheekh u hibeeyay gaadiid aanu xabadu karin

Muqdisho (Caasimda Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dowlada Imaaraadka ay gaadiid nooca aana xabadu karin ugu deeqday Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Gaadiidkaani ayaa la sheegayaa in Madaxweynihii hore uu uga maarmi doono Gaadiidka u diiwaangishan Madaxtooyada Somalia ee uu isticmaalaayay tan iyo markii xilka laga qaaday.

Tirada gaadiidkaani oo aan ilaa iyo hadda la cayimin ayaa waxa ay wararka qaar sheegayaan inay gaarayaan ilaa Shan gaari.

Madaxweynihii hore ayaa gaadiidkaani u isticmaali doona amnigiisa maadaama uu iminka ka tirsan yahay Baarlamaanka Somalia isla markaana uu deegaan ku noqday magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa February 16, 2017 si rasmi ah Madaxweynaha JFS ugu wareejiyay Hantida Qaranka oo ay ku jiraan Gaadiidka aanu xabadu karin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimda@live.com