Dagaal khasaaro kala duwan geystay oo ka dhacay Baladweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamo ka wada tirsan Dowlada ayaa goordhow ku dagaalamay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ciidamada ayaa yimid kadib markii ay isku khilaafeen lacag canshuur ah oo laga qaadayay Gaari Xumuul ah.

Gaariga uu ka dhashay dagaalka ayaa la sheegay inuu ka imaaday dhanka Bari, islamarkaana uu ku sii jeeday Galbeedka Magaalada.

Dagaalka ayaa ka dhacay Buundada howlwadaag oo kala qeybisa Bariga iyo Galbeedka Magaalada Baladweyne, waxaana la soo sheegayaa in dagaalka uu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Taliye ku-xigeenka Saldhiga Booliska ee Magaalada Baladweyne, Gaashaanle Dhexe, Nuur Xasan Bidaar ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Taliyaha ayaa xusay in iska horimaadkan ay ku dhaawacmeen 3 Ruux oo Shacab ah kuwaasi ku sugnaa halka ay ku dirireen Ciidamadan.

Xaalada ayaa iminka ah mid degan waxaana la soo sheegayaa in dagaalka ay ku baxeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com