Warqado lagu muujiyay kalsoonida Farmaajo lagu qabay oo luntay oo Muqdisho lagu daadiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa degmada Hodon gaar ahaan xaafada Taleex lagu daadiyay warqado lagu muujinayo in kalsoonidii lagu qabay Farmaajo ay luntay.

Warqada ayaa waxaa ku qornaa in Farmaajo uu lumiyay kalsoonidii shacabka ay ku qabeen, ayaa timid labo maalin kadib magacaabidii xilka ra’iisul wasaaraha dalka.

Warqadaha ayaa sidoo kale lagu sheegay in doorashadii madaxweyne Farmaajo ay abuurtay Farxad shacabka Soomaaliyeed ay dareemeen.

Balse waxaa muuqata in iminka aysan la dhacsaneyn ra’iisul wasaaraha cusub oo kasoo jeeda Beesha Murusade.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com