Farmaajo oo shaaciyay fulinta talaabo farxad galin doonta shaqaalaha DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in sanadkaani uu kordhin doono Miisaaniyadda dowladda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladiisu ay heysato ballanqaadyo dhowr ah, waxa uuna sidaa darteed sheegay inay kordhinayaan miisaaniyada.

Farmaajo waxa uu sheegay in Dowladu ay heysato ballanqaadyo ka badan kuwii ay heysatay Dowladii hore, waxa uuna ballanqaaday inay ka faa’iideysan doonto Dowladiisa ballanqaadyadaasi isla markaana ay kor dhindoonto Miisaaniyada.

Waxa uu sidoo kale Madaxweyne Farmaajo tilmaamay in DFS ay ku dadaali doonto sidii loo daryeeli lahaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo sidoo kale Xildhibaanaada Qaranka.

Dowlada Somalia ayuu sheegay inay kordhin doonto Misaaniyada waxa uuna cod dheer ku sheegay in mar waliba ay u taagan yihiin joogteynta Mushaaraadka shaqaalaha Dowlada.

Haddalka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaaya xili Dowlada Sacuudiga ay ballanqaaday inay garab siin doonto Dowlada cusub ee uu Hogaaminaayo Maxamed C/llahi Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com