Wararkii u dambeeyey ee dagaalka Liyuu Boolis iyo Soomaalida iyo arrin halis ah oo ka taagan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaya xiisadaha colaadeed ee ka taagan xuduuda Ethiopia uu la wadaago gobolka Galgaduud, kadib dagaal maalintii afaraad halkaasi ka dhacaya.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya dadka deegaanka Soomaalida ee xuduudda iyo ciidamada Liyuu Booliis oo kusoo gardarrooday dhulka Soomaaliya.

Agaasimaha isbitaalka Istarliin ee magaalada Guriceel ayaa sheegay in dhaawacyo badan oo laga keenay goobaha dagaalada iyo meydad in la garsiiyay isbitaalka oo ay gacanta ku hayaan.

Agaasimaha wuxuu sheegay in isaga naftiisa dhaawac uu kasoo gaaray afka kadib markii shil uu ku galay duleedka magaalada Guriceel xili uu doonayay inuu u gurmado dadka dhibaateysan.

“Hadda afka ayaa dhaawac iga gaaray oo shil ayaan galay, laakiin hadda waan fiicanahay aniga dad ayaan doonayay inaan kasoo qaado goobaha dagaalka, hadda dhaawacyo ayaa isbitaalka yaal oo qaarkood waa meydad”ayuu yiri agaasimaha isbitaalka Istarliin.

Wuxuu dhanka kale sheegay in maanta dagaal xoogan uu ka dhacay deegaanada dhanka xuduuda oo maalmahaan lagu dagaalamayay, isagoo sheegay iney jiraan dad dhaawacan oo aan awoodin iney kasoo baxaan goobaha dagaalka.

Waxa uu niyad xumo ka muujiyey in dad badan oo dhaawac ah oo la bad-baadin karo ay geeriyoon karaan sababo la xiriira iyaga oo aan soo gaari karin goobaha caafimaadka.

Warar kale ayaa iyana sheegay in ciidamada Ethiopia ay dib u celiyeen dad badan oo dhaawac ahaa. Halkan ka aqri Warkaas

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com