Ciidamada Ethiopia oo ku kacay fal cadowtooyo ah kadib dad kusoo dhaawacmay dagaalka oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya magaalada Guriceel, ayaa sheegaya in Ciidamada Ethiopia ay si cad u hor istaagen gaadiid siday sodomeeyo dhaawac ah.

Gaadiidkaani ayaa waxa uu dhaawaca kasoo qaaday deegaanada uu dagaalku ka socdo ee ay ku dagaalamayaan ciidamada Liyuu Booliis iyo dadka deegaanka Soomaalida, waxa ayna kasii jeeden dagmada Guriceel ee Gobolka galgaduud.

Gaadiidka oo ahaa kuwa gurmadka Caafimaadka ayaa waxaa wadada u galay Kolonyo ka tirsan Ciidamada Ethiopia oo iyagu ka biya diiday in dhaawacyadaasi la gaarsiiyo xarumaha Caafimaadka.

Cali Cumar Tarabi oo ah Madaxa Isbitaalka Guriceel, ayaa sheegay in tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya Ciidamada New Police iyo kuwa Deegaanka ay qabteen ilaa 20 dhaawac oo kamid ahaa dadka deegaanka oo qaarkood ay aad u liitaan.

Waxa uu intaa hadalkiisa kusii daray in Ciidamada Ethiopia ay ka hor imaaden Gaadiid siday dhaawacyo loo soo waday isbitaalka, isaga oo xusay in ay dadkaasi heli karin adeeg caafimaad inta ay ku sugan yihiin deegaanka ay ku hakiyeen Ciidamada Itoobiya.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah dadka dhaawaca ah, iyadoo ay jiraan dad lala soo baxsaday, taasina waxa ay xaaladdu ka dhigtay mid adag.

Dadka waxyeelada soo gaartay ayaa u badan Haween iyo caruur dadka la laayay qaarkood dagaalka qeyb kama ahayn oo xaafadahooda ayaa loogu tagay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com