Wararkii ugu dambeeyey ee SHIRKA CADAADO!!

Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa si rasmi ah Magaalada Cadaado loogu soo gaba gabeeyay wejigii 1-aad ee Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Dhexe, iyadoona Axada la fillaayo in Magaalaaasi uu ka bilowdo wejigiisii 2-aad.

Sida uu qorshuhu ahaa waxaa maanta lagu waday in Magaalada Cadaado uu ka bilowdo wejiga 2-aad, ha yeeshee waxa uu u baaqday sababo aan la shaacin, laakiin berrito waxaa la xaqiijiyay in uu ka furmi doono Magaalada.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federalka Somaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo ku sugan Magaalada Cadaado, ayaa maanta xaqiijiyay in berrito uu bilaaban doono wejiga 2-aad ee Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Dhexe.

Wasiirka oo maanta Ergada Maamulka Gobolada Dhexe kula hadlaayay hawlka Kafaalo, oo ay ku xareysan yihiin, ayaa wuxuu ka sheegay in la xaliyay murunkii beelaha, ee ka dhashay soo xulista Ergada. Ergada waxaa lagu wadaa inay soo doorato Madaxweynaha Gobolada Dhexe.

Ergada Gobolada Dhexe waxay marka hore soo dooran doontaa Madaxweynaha, iyadoo shaqada labaad ay qaban doonaana ay tahay soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka, ansaxinta Calanka, Caasimadda iyo Dastuurka.

Bisha June ee kaabiga inagu soo hayso, ayaa waxaa lagu wadaa in la soo doorto Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe, haddii aanu qorshuhu waxba iska bedelin.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Somaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa waxaa suurta gal ah in toddobadkan uu gaaro Magaalada Cadaado, si uu kaga qaybgalo wejiga labaad ee Shirka Maamulka loogu soo dhisaayo Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com