“Waxaan indhageyga ku arkay Video arrinta laga soo duubay, waana aamini waayey ficillada S/L”..

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arimaha Dibadda DF Somalia Cabdisalaan Hadliye ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay talaabadii maamulka Somaliland ku kala sooceen qaxootigii Soomaaliyeed ee dib uga soo qaxay dalka Yemen.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay kasii talaabeyso xushmadii kala dhaxeysan Umadda Soomaaliyeed, waxa uuna tilmaamay inay mudneyd inay kala saaran Siyaasada iyo arrimaha qaxootiga.

Waxa uu Tilmaamay inuu indhihiisu ku arkay Muuqaal aan wanaagsaneyn oo laga soo duubay markab ay la socdeen Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dalkooda kusoo laabtay, balse Maamulka Somaliland ay dhaqan xumo kala kulmeen.

Waxa uu meesha ka saaray in Dekeda Berbera ay leedahay Somaliland, waxa uuna carabka ku dhuftay in Somalia ay ka dhaxeyso, islamarkaana aysan awood u laheyn in Somaliland ay diido.

Wasiirka arimaha dibada Somalia Cabdisalaan Hadliye ayaa si adag uga hadlay falkaas foosha xun ee uu maamulka Somaliland ku kacay.

‘‘Magan masiinayo dad Soomaali ah oo tacbaan ah oo kasoo orday dhibaatada ka jirta dalka walaalaheen ah ee Yemen waa wax lala yaabo weeyaan,wax la ogolyahana ma aha wax dowlada dhexe ogoshahayna ma aha.’’

‘‘ Muwaadiniinta hadii aan Barbara laga doonaynin ha tagaan Saylac iyo Lughaya’’

Dhacdadaani ayaa waxa ay amakaak ku noqotay kumanaan Soomaali oo iyagu aan aaminsaneyn in Maamulka Somaliland ay aqoonsi ku baadi goobeyso dhibaateynta Haween iyo Carruur aan ka qeyb aheyn siyaasada jirta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com