Baaritaanka dilkii xildhibaan Yuusuf Dirir oo laga soo saaray NATIIJO xog xasaasi ah bixisay (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa k a hadashay natiijada baaritaankii ku saabsaan dilkii xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir loogu geystay magaalada Muqdisho.

Gudiga lii xilsaaray baaritaankaasi waxaa hogaaminayay xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir iyo xubno ka tirsan baarlamaanka iyo golaha wasiirada Soomaaliya.

Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay iney gacanta ku hayaan qoryo gaaraya 7 qori oo ka kooban lix qori oo Ak47 ah iyo hal qori oo BKm ah,  walina ay wadaan baaritaano dheeri ah.

Axmed Cali Daahir, wuxuu sheegay in falkaasi ay u xiran yihiin 14 ruux oo la dhigay xarunta dambi baarista ee CID, ayna sii wadi doonaan dhamaan baaritaanada maadaama xog rasmi ah laga doonayo.

Saddexd baabuur ayaa sidoo kale gacanta lagu haayaa waxa ayna kala yihiin Baabuurkii uu watay Xildhibaanka la dilay, Baabuur ay leedahay Laanta socdaalka ee Dowladda iyo gaarigii ay wateen ciidamada Milateriga ee falka dilka ah geystay.

14-ka ruux ee falkaan u xiran,  labo ka mid ah waa ciidamada Milateriga iyaga oo dhaawac ah ayeey xiran yihiin, halka inta kalena ay yihiin dad la tuhmay inay falkaan ku lug lahaayeen, hayeeshe baaritaano dheeri ah ay ku socdaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com