PUNTLAND oo jawaab adag siisay SOMALILAND

Garoowe (Caasimada Online) – War Saxaafadeed kasoo baxay maamulka Puntland ayaa waxaa dhaleeceyn loogu jeediyay maamulka Somaliland oo ku aadan kala soocida dadka ka imaanaya dalka Yemen.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:-

WAR-SAXAAFADEED.

Dawladda Puntland iyo shacabkeedu waxaa ay si aan kala har laheyn dhulkooda ugu soo dhaweeyen Qaxootiga ka soo cararaya dagaalada ka soconaya dalka Yemen, ilaa hadana si isdaba joog ah ayey u socotaa caawinta iyo soo dhaweynta walaalnimo ee loo samaynayo.

Waxaa si toos ah u socda gurmadka reer Puntland u fidinayaan walaalahooda ka soo qaxay colaada dagaal ee ka bilaabatay dalka Yemen, Dawlad, Culimo iyo Shacab diyaar ayey u yihiin inay garab istaagaan cidkasta oo dhulkooda u yimaada magangalyo sida looga bartay horayba.

Tan iyo markii ay bilowdeen qalaalasaha Yemen gudaha Puntland waxaa soo gaaray kumanaan kamid ah Qaxootiga ka soo cararaya dagaalada Yemen , waxaana loo fidiyey gargaar dhamaystiran iyadoo ay yartahay awooda dhaqaale ee Puntland mana jirto cid si gaar ah ugu taageertay.

Dadka ugu badan ee qaxootiga ahna waa Soomaali manajirto cid la heyb soocay si isku mid ah ayaana loo soo dhaweeyey , waxaa sidoo kale kamid ah dadka imaanaya Puntland dad u dhashay dalalka Yemen, Ethiopia iyo dalal kale si lamid ah ayaa iyana loo soo dhaweyey loona soo dhaweynayaa.

Dawladda Puntland waxay maamulka Soomaaliland ku cambaaraynaysaa kala soocida ay ku hayso qaxooti Soomaali ah oo ka soo cararay dalka Yemen iyagoona miciin biday dhulka Soomaaliyeed ee uu ka arrimiyo maamulkaas.

Talaabadaan ayaa ah talaabo aan la aqbali karin maadama dunida oo idil Soomaalida magansiisay aysana jirin wax kala sooc ah oo lagu sameeyey , waxaase wax lala yaabo ah in qaxooti Soomaali ah oo carar ah dhulkooda loo diido inay si nabad ah ku yimaadaan, lana ciqaabo hooyooyin iyo caruura-hoodii muddo soo saarnaa badda aana helin daryeel wanaagsan.

Ugu dambeyn markale Dawladda Puntland waxay beesha caalamka iyo hay’addaha bixiya gargaarka ka dalbanaysaa inay bixiyaan gargaar bini’aadanimo iyo taageero dib u celinta qaxootiga ku noqonaya deegaanadooda sida koonfur, Waqooyi iyo gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Dhamaad

Maaxtooyada Dawlada Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com