Dhimashada oo BOQOL sii mareysa iyo dagaalka Liyuu Booliis iyo Soomaalida oo mar kale qarxay

Galgaduud (Caasimada Online)- Wararka aan ka heleyno gobolka Galgaduud ayaa  sheegaya in markale saaka dagaalo ay dib kaga qarxeen xuduuda Galgaduud iyo Ethiopia.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamo deegaanka ah iyo ciidamada Liyuu boolis, kuwaasi oo dagaalkooda todobaadkaan uu ka socday xuduuda Galgaduud iyo Ethiopia, waxaana dagaalada ay sababeen dhimasho iyo dhaawac.

Tirada dhimashad dagaalka ayaa kor u dhaafeysa 100 ruux oo labada dhinac ah, waxaana xaqiiqo ahaan la ogeyn  sababta dhabta ah ee ka dambeysa dagaalada halkaasi ka dhacaya.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in saaka dagaalka uu dib kaga bilowday meel ku dhow xadka Ethiopia iyo Galgaduud gaar ahaan deegaan magaciisa lagu sheegay Balidig, sida dadka deegaanka ay xaqiijinayaan.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkii ugu dambeeyay ee dhacay xadka labada dal uu sababay dhaawacyo la gaarsiiyay isbitaalka magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Ma jirto faahfaahin ah oo laga heli karo dagaalada ka dhacaya xuduuda Ethiopia iyo Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com