3-da Ujeedo & sirta qarsoon ee shirka Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Shirka Maamulka Puntland sheegay inuu yahay wadatashiga beelaha Puntland wuxuu ka leexday wadaddii loogu dhawaaqay oo waxaa loo rogay siyaasad u dhanaynaysa Puntlandta dhabta ah ama Majeerteen iyo degaamadiisa, in Gaalkacyo loo soo wareejiyana dhowr arimood baa laga leeyahay.

1. In lagu carqaladeeyo Maamul u sameynta Goboladda Dhexe oo ka koobnaan doonta Mudug iyo Galgaduud.

2. In la abuuro colaad qabiilaysan oo dadka loo muujinayo inay u dhaxayso Habargidir iyo Harti taas oo ay Puntlandta dhabta ahi doonayso inay ku muujiso inay garab iyo xoog balaaran haystaan iyagoo ka cararaya in la yiraahdo waa Majeerteeniya iyo dadkeedii.

3. Baabi’inta maamulka Khaatumo ee Cali Khaliif hor joogaha u yahay.

Shirka Gaalkacyo waa hadhaadigii sheekooyinkii xumaa ee ummadda Somaliyeed ka soo gudubtay, mana dhacayso in 1991 dib loogu laabto, xaaladda Mudugna maaha mid u dhaxaysa Harti iyo Habargidir ee waa mid u gaar ah Majeerteen, Habargidir iyo beelaha kale ee degaankaas ku dhaqan, waxaana loo baahan yahay in si walaaltinimo ah oo cadaalad ah khilaafyadooda u xalistaan.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com