Dhacdadii BELED-XAAWO oo soo shaac bixisay sirta ku jirta qorshaha Kenya ee derbiga xuduuda

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya oo fulineysa qorshaheedii ahaa inay Derbi ku wareejiyo xuduudka ay la leedahay Soomaaliya ayaa ku dhaqaaqday tallaabo la filayay oo ah inay dhul Soomaaliyeed oo ka baxdsan xuduudkeeda ku darsato xuduudkeeda markii horeba muranka ka taagnaa, waxayna ku dhiiratay inay magaalada Beledxaawo ay derbiga dhex mariso.

Arrintaas waxaa ka hortegay dadkii degmada deganaa oo guryahooda la rabay in la burburiyo markii ciidamo Kenyaan ah oo ay la socdaan baabuurta dhismaha ay damceen inay burburiyaan guryahooda si Derbiga looga dhiso.

Iska hor imaad kooban ayaa ka dhacay waxaa qori looga furtay askari Kenyaati ah oo markii dambe dib loogu celiyay qorigii markii ay arrinta soo dhex galeen maamulka degmada.

Warbaahinta Afka Soomaaliga ku hadasha ayaa si weyn uga hadlay arrintan waxayna wareysiyo xaalad ka hadal ah la yeesheen dad kala duwan oo ku sugan degmada Beled Xaawo ee xuduudka ku taalla oo si faahfaasan uga warbixiyay wixii ka 28-ka May 2015 ka dhacay degmadooda iyo damaca Kenya.

Haddaba waxaa is weydiin leh haddii magaalooyinkii ay sidan u boobeyso Kenya, dhulkii magaalada ka baxsanaa sidee xaalkiisu noqonayaa…?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com