Xog: Labada is-baheysi ee ku loolamaya SHIRKA CADAADO iyo xeeladaha qarsoon ee ka socda !!

Magaallo-madaxda Maamulka Ximin iyo Xeeb oo ay fidsan tahay Gogosha Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Dhexe ayaa waxaa ku sugan Ergooyin aad u fara badan, kuwaasi oo isugu jira Aqoonyahanno, Siyaasiyiin, Musharixiin iyo Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha wada deggan G/gaduud iyo Mudug.

Qaabka Shirku ku socdo ayaan loo riyaaqi karin, waxaana muuqda dulduleelo iyo faragelin badan oo sababi karta inuu marin-habow ku yimaado Taabagalka Shirkaasi, oo aad loogu han weyn yahay in lagu dhidbi doono Maamul-gobaleedka Bartamaha Somalia.

Masraxa Siyaasadda ee Shirka Cadaado ayaana waxaa ka muuqda Loolan baahsan, Is-xulafaysi, Nin Jeclaysi iyo dhaqdhaqaaqyo hoose oo laga dheehan karo xarig-jiid siyaasadeed.

Waa hubaal in inta badan Musharixiinta Madaxtinimadda Bartamaha Somalia yihiin kuwo ku sidkan Labada Isbahaysi Siyaasadeed ee ka jira Somalia (Damul- Jadiid iyo Aala Sheekh), kuwaasi oo saamayn xooggan ku yeeshay Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Dhexe.

Labadaa Isbahaysi oo aan si sharci ahaan loogu dhawaaqin ayaa waxaa Kooxda Damul-jadiid lagu tiriyaaa Siyaasiyiinta la jaalka ah Madaxweynaha DFS, Xasan Sheekh Maxamuud, halka Isbahaysiga kale ee Aala Sheekh yihiin xubnihii Maxkamadaha Islaamka ee siyaasadda soo galay Xilligii Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Isbahaysiga Siyaasadda ee Damul-jadiid ee ay inta badan ku abtirsadaan xubnaha Dowladda Federalka olole xooggan ugu jiraan sidii uu Musharax ka tirsan Isbahaysigooda ugu guuleysan lahaa xilka Madaxtinimadda Maamulka Bartamaha Somalia.

Waana taasi sababaha Siyaasiyiin, Xildhibaano, Ganacsato iyo Aqoonyahanno magac leh oo ka kala tirsan Isbahaysiyadaasi diyaarado looga soo daabulayo Muqdisho, si ay xeellad iyo xoolo ugu soo jiitaan Aqlabiyadda Shirka, si codad dufanaysan loo helo marka la gaaro Xilliga Kala Reebka ee Cod-bixinta Musharixiinta Madaxtinimadda ee Maamulka Bartamaha Somalia.

Markaynu si hoose u dabagalno Madasha Shirka Cadaado, waxaa hubaal ah inay cabashooyin iyo guux-hoosaadyo badan jiraan, Beelo sheeganaya in quursi lagu hayo, kuwo ku kala qeybsan Siyaasadda iyo Dhaqanka iyo Beelo kale oo ku gorgortamayo inay sed u leeyihiin Xilalka ugu tunka weyn Maamul-gobaleedka Bartamaha Somala ee weli la sugayo curashadiisa.

Ma kala cadda qaabka uu noqon karo Maamulkaasi inay Beelaha Deegaanka ku mideysnaan karaan iyo in lagu halqabsan karo Looma Wada Dhama Maamul-gobaleedkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com