Wararkii u dambeeyey ee doorashada guddoonka baarlamaanka HirShabelle

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa maanta lagu wada inay kulan xasaasi ah ku yeeshaan xildhibaanada la soo xulay ee baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Kulankan ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo uu ka furmo xarunta baarlamaanka HirShabelle, iyada oo khudbado kala dhuwan laga dhageysan doono musharrixiinta u taagan qabashada xilka guddoomiyaha, ku xigeenkiisa koowaad iyo labaad.

Labo musharrax ayaa isku soo taagay xilka guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle, kuwaas oo kala ah Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji iyo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Goodir oo midkii guuleysta uu bedalayo Sheekh Cismaan Barre Maxamed.

Sidoo kale waxaa xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad u sharraxan labada musharax ee kala ah Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame iyo Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq, halka ku xigeenka labaad ay markale isku soo taagtay Marwo Canab Axmed Ciise oo horay xilkan u soo qabatay, taas oo tartan la geli doonto Xildhibaan Mahad Xasan Cismaan.

Doorashada guddoonka ayaa sida qorshuhu yahay beri oo Arbaco ah 4-ta November ka dhici doono magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Si kastaba doorashada HirShabelle oo weli is jiid-jiid ka taagan yahay ayaa mareysa meel gaba-gabo ah, waxaana dhowaan la dooran doonaa madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa, iyada oona xalay saq dhexe uu is casilaad ku dhowaaqay madaxweyne Waare.