Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda SUDAN iyo is-casilaada Abdalla Hamdok

Khartoum (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii wadanka Sudan Abdalla Hamdok ayaa maanta ku dhowaaqay inuu iska casilay xilka, kadib khudbad uu u jeediyey shacabka dalkaasi.

Abdalla Hamdok ayaa shaaca ka qaaday in xaaladda dalka ay gaartay meeshii ugu xumeyd, isla-markaana uu go’aansaday inuu xafiiska banneeyo.

Sababta ugu weyn ee uu uga tegay shaqada wuxuu ku sheegay inay dan ugu jirto shacabka reer Sudan oo haatan wajahaya xaalad ka dhalatay is qab-qabsiga taagan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu fursad siinayo hoggaanka cusub ee imaan doono, si looga gudbo xaaladda cakiran ee haatan ka jirta dalka Sudan.

“Waxaan go’aansaday in aan dib u celiyo mas’uuliyadda, oo aan ku dhawaaqo in aan iska casilay xilka ra’iisul wasaaraha, oo aan fursad siiyo nin ama haweeney kale oo dalkan sharafta leh … ka caawiaya sidii uu uga gudbi lahaa inta ka hadhsan xilliga ku meel gaarka ah si uu u noqdo waddan rayid ah oo dimuqraadi ah.” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha is-casilay.

Waxa kale oo uu farriin culus u diray dhinacyada kala duwan ee isku haya Sudan, gaar ahaan milatariga, siyaasiyiinta iyo shacabka oo uu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabada.

Isbedalka markale ka dhacay Sudan ayaa ku soo aadayo, iyada oo dhowaan Milateriga dalkaasi uu afgambi billaabay, waxayna Mr Hamdok galiyeen xabsi guri, laakiin dib ayaa loogu celiyay xukunka kadib markii uu saxiixay heshiis cusub oo ku dhisan awood qeybsi.

Dhanka kale dibad-baxayaasha ayaa weli wada mudaharaadyadooda, iyaga oo gaaf wareegaya waddooyinka, isla-markaana dalbadanaya hoggaan siyaasadeed oo rayid ah.

Si kastaba, Sudan ayaa waxaa ka dhacay isbedallo xoogan, waxaana ay caan kusii noqotay afgembiga, wixii ka dmabeeyey markii la ridday madaxweynihii dalkaasi Cumar Al-Bashiir.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii