PUNTLAND oo ka jawaabtay is-casilaadda hoggaankii guddiga doorashooyinka

Garoowe (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dimuqraadiyeynta ee dowlad goboleedka Puntland ayaa ka hadashay go’aanka is-casilaadda ah ee ay shalay ku dhowaaqeen guddoomiyaha iyo ku xigeenka guddiga KMG ah ee doorashooyinka oo shaaciyey inay gabi ahaan banneeyeen xafiiska, kadib daruufo soo wajahay.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxaa lagu sheegay in is-casilaadda madaxdaas aysan saameyn ku yeelan doonin doorashooyinka qofka iyo codka ah ee haatan ka billowday maamulkaasi, taas oo lagu horreysiiyey Qardhow, Eyl & Ufeyn.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay inay socon doonto shaqada guddiga, gaar ahaan dhammeystirka doorashooyinka golaha deegaanka ee ka socda Puntland.

Waxa kale oo ay wasaaraddu u mahadcelisay guddoomiyaha is-casilay iyo ku xigeenkiisa oo ay sheegtay inay shaqo adag soo qabteen, iyaga oo la yimid howlkarnimo.

Dhinaca kale xubnaha guddiga doorashooyinka Puntland oo xaaladda soo korortay kulan ka yeeshay ayaa iyaguna war cusub soo saaray, waxayna doorteen guddoomiye & ku xigeen.

Guddiga ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in maalmaha soo socda uu bilaabi doono wada-tashiyada la xiriira dhammeystirka doorashooyinka golaha deegaanka ee Puntland.

Doorashooyinkan ayaa waxaa ku tartamaya ururo siyaasadeed oo ka dhisan Puntland, kuwaas oo olole xoogan haatan ka wada magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii