Xasan Daahir: “Farmaajo iyo Xuseen Ceydiid waxay u maree 30 sano kahor” + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka falceliyey wareysi uu dhawaan bixiyey Siyaasiga Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid oo sheegay in Farmaajo aan lala dagaali karin oo xabad uusan ridin ka Xuseen ahaan aysan Muqdisho ka dhici karin.

Xasan Daahir ayaa sheegay inuu dhageystay wareysigaas, isla markaana ay u soo baxday in Xuseen Ceydiid uu soo maraayo meel mar hore lasoo dhaafay, sidoo kale Farmaajo ayuu ku tilmaamay nin lamid ah Xuseen Ceydiid oo aan is biday awood uusan laheyn.

Sheekh Xasan ayaa sheegay in mar lagu sirmay Xuseen Ceydiid oo loo maleynayey inuu leeyahay kartidii Aabihiis oo kale, balse hadda ay u joogto halkii la maraayey waayihii lagu sirmay.

“Waxaan is dhahay Xuseen meel uu siyaasadda ka soo galo ayuu raadinayaa, markaasuu ka hadlay meel 30 sano ka hor laga soo tegay, laakiin dadku dadkii maaha oo waqtigu waqtigii maaha,” ayuu yiri Xasan Daahir.

Sheekh Xasan ayaa beesha Abgaal uga magad celiyey inay iska aamusiyeen dadkii la midka ahaa Xuseen Ceydiid oo uu ka carabaabay Cali Maxamed Geedi iyo Salaad Cali Jeelle, “Walow aad hoosta ku heysataan Shariif oo diintii inta calaanjiyey tufay,” ayuu yiri.

Sidoo kale Xasan Daahir oo la hadlay Farmaajo ayaa sheegay in awood aan jirin ay maskada uga jirto, isagoo u fekeraya sidii uu u fekeri jiray Maxamed Siyaad Barre, sida uu sheegay Xasan Daahir.

“Waxaan la hadlayaa Farmaajo, madaxa waxaa kaaga qunfulan caqliyadii Maxamed Siyaad Barre oo kale, adiga ina Ceydiid isku mid ayaa tihiin, waxaad ku fekeree in caqliyadii Maxamed Siyaad oo kale aad hir-geliso, taasina hadda suurta gal maaha,” ayuu yiri.

Xasan Daahir ayaa Farmaajo ku dhaliilay sababta uu ula dagaalayo Ra’iisul wasaare Rooble oo isagu uu keensaday markii hore, isagoo sheegay in dadka hadii aan laga xishoon si kasta oo ay u qabowyihiin ay ugu dambeyntii qarxayaan oo wax kasta haleeyaan.

“Farmaajo ninkaan adigaa keensaday, maba aanaan aqoon anagu, sida adigaba uu Shariif kuu keensaday oo kale, marka shaqadaan adigaa ku wareejiyey, isagaana masuul ka ah ee ka leexo, maxaad u qashqashaadeysaa? Waaba nin iska dabacsane” ayuu yiri Xasan Daahir.

Hoos ka daawo