Jeneraal XUUD oo shaaciyey inuu qabsaday magaalada Beledweyne kadib dagaal

Beledweyne (Caasimada Online) – Janaraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud), oo kasoo horjeeda maamulka HirShabelle, ayaa faah-faahin ka bixiyey dagaal ay ciidankiisa shalay la galeen maamulka gobolka Hiiraan, kaasi oo uu guulo ka sheegtay.

Janaraal Xuud oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa beeniyey inuu billaabay dagaalka, wuxuuna sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Qowlad oo qiyaastii 12Km waqooyi uga beegan xaruunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne uu ahaa mid lagu soo qaaday fariisamahooda.

Waxa uu sheegay in hadda uu si buuxda gacanta ugu hayo maamulka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, islamarkaana ay ciidankiisa joogaan inta badan xaafadaha magaalada.

“Waxaan hadda joogaa Beledweyne, dhamaan xaafadaha ciidankeyga ayaa haysta, waxaan ka jawabeynaa weerarkii shalay na lagu soo qaaday. Waxaa aan dhiseeynaa maamulka Hiiraan State, HirShabelle kama sii shaqeeyn doonto Hiiraan,” ayuu yiri Jeneraal Xuud.

Waxaa ilaa xalay magaalada ka socday dedaallo la doonayay in si nabad ah ay magaalada ku yimaadaan Cali Jeyte iyo ciidamadii la socday ee shalay dagaalka ku galay deegaanka Qowlad iyo in janaraal Xuud uu ka baxo magaalada, islamarkaana xabbad dambe aysan ka dhicin.

Jeneraal Xuud ayaa sheegay in ujeeddadiisu tahay dhismaha maamul goboleed lagu magacaabo Hiraan oo aysan dooneyn in ay wax la qeybsadaan maamulka haatan jira ee HirShabeelle ee uu Cali Guudlaawe madaxweynaha ka yahay.

Xuud ayaa dowladda federaalka ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay diiday in ay wadahadal iyo heshiis la gasho ciidamadiisa, sidaa awgeedna ay xoog iyo cabburin ku dhistay maamulka haatan ka jira HirShabelle.

“Maammul la yirahdo HirShabelle kama jiro Hiiraan  Waxa dhacaya oo dhan, waxay u dhacayaan waa intaa. Sida dowladda federaalka khasabka iyo juujuubka ah ee ay ku dhisatay (maamulka Hirshabelle) si aan aqbali karno oo aan yeeli karno ma aha. Annaga Hiiraan baa nala yirahdaa…gobolkan waa gobol gobolladii kale ka haray, xaqdarrada intaasi la’eg oo nagula sameeyay ayaan ka dhiidhinay oo aan diidannahay,” ayuu yiri Janaraal Xuud.

Janaraal Xuud ayaa sheegay in madaxtinnimada gobolkaasi ay qaateen dad uu sheegay in aysan u dhalan gobolkaasi oo ujeedadoodu ay tahay buu yiri in ay madaxtinnimo ku helaan sidaasi.

Guddoomiyaha gobolka Hiraan, Cali Jeyte, wuu sheegay in dagaalkii shalay dhacay ay iyaga guushu ku raacday isla markaana ciidamadii ka soo horjeeday ay u cararreen dhanka dhul sida uu sheegay ay joogaan Al-Shabaab.

Wuxuu intaasi ku daray in Beledweyne ay ku soo rogeen bandow isla markaana hawlgallada socda ay sii wadi doonaan balse ilo lagu kalsoon yahay ayaa BBC-da u sheegay in bandowgaasi uusan wali dhaqangelin oo xalay ilaa xilli dambe ay magaaladu ka socdeen muddaharaadyo looga soo horjeedo dagaalkaasi iyo maamulka HirShabelle.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii