Waare oo Rooble siiyey talo la xiriirta wasiirada iyo madax goboledyada raacsan Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare oo wareysi cusub bixiyey ayaa markale weerar afka ah ku qaaday madaxweynihii hore Farmaajo, isagoo sidoo kale ka hadlay xiisadda haatan taagan.

Waare oo uu warramay Hanoolaato ayaa ku eedeeyey madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo in sidii uu rabo uu ka yeelanayo dastuurka, kuna tumanayo shuruucda dalka

“Dastuurku wuu cad yahay, madaxweynaha ilaa inta madaxweyne kale laga dooranayo xafiiska ayuu sii joogaa meel ay dastuurka uga taallo ma jirto, haddii xitaa lagu doodi lahaa baarlamaanka ayaa ansixiyay ma jirto, qof weliba rabitaankiisa ayuu wax u fasirtay,” ayuu yiri

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Farmaajo xeeladdiisa dagaal ay tahay mid qatar ah, isla-maraakana uu qofka mas’uulka ah ku karaamo-tirayo dadkiisa, sida uu hadalka u dhigay.

“Farmaajo waxa uu yaqaanaa dagaal qofka dadkiisa lagu hor karaamo-tirayo, waxa uu biyaha & korontada ka goystay Guddoomiyihii Baarlamaanka, waxa uu lug ku qasbay Ra’iisul Wasaaraha XFS, Farmaajo in uu Villada ka baxo iyo in uu ku jiro wax micno ah malah,” ayuu markale yiri Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabeelle.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin u diray ra’iisul wasaare Rooble, wuxuuna uga digay inuu markale gacanta u gelin talada, sidoo kalena uu aqbalo wada-hadallada ay garwadeenka ka yihiin xubnaha u dhow Farmaajo.

“Waxa aan leeyahay Ra’iisul Wasaare talada gacantaada ku jirto markale ha iska saarin, wasiirada iyo madaxweyne goboleedyada u dhaw madaxweynaha wadahadal lama dhaho waa hoosaasin waana tii badda geliyay tookadii hore,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Soomaaliya ayaa waxaa weli ka taagan xiisad xoogan oo ka dhalatay doorashooyinka, taas oo kasii dartay markii uu soo laba kacleeyey khilaafka u dhexeeyo Farmaajo iyo Rooble.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii